Madaxweynaha Ruushka oo amray in la kordhiyo tirada Ciidanka dalkaasi

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa saxiixay Khamiista maanta ah wareegto uu ku kordhinayo tirada ciidamada Militeriga dalkiisa , iyadoo dagaalka Ukraine uu dhaafay lix bilood.

Go’aanka Putin wuxuu kordhin doonaa tirada ciidamada qalabka sida ee Ruushka qiyaastii 10%, Taasi waxay ka dhigi doontaa wadarta guud ee militariga 2.04 milyan.

Nuqul ka mid ah amarkan oo lagu daabacay barta internetka ee dowladda Ruushka ayaa lagu sheegay in uu dhaqan galayo Jan 1, 2023, balse lama sheegin sababta sare loogu qaaday tirada ciidamada.

Waxa kale oo ay amar lagu xusay in dawladda Ruushku ay xaqiijiso in kordhinayo miisaaniyadda Dowladd federaalka, si loo bixiyo dhaqaalaha Askarta la qaadan doono.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker