Sacuudi Carabiya oo hawadeeda u furtay diyaaradaha Israel
Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay inay hawadeeda u furtay dhammaan diyaaradaha, oo ay ku jiraan kuwa ka imanaya ama ku socda Israel.
Goโaanka waxaa soo dhaweeyay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo galabta booqasho uga bilaabatay Sacuudiga, ayada oo diyaaraddiisa ay toos uga kacday Israel una tagtay Jeddah.
Biden oo wali ku jira safarkiisa Bariga dhexe ayaa goor sii horreysay maanta la kulmay hoggaamiyaha Falastiin.