Puntland Oo shaacisay in la qaban doono cid kasta oo fiiso la’aan ku soo gasha gudaha Puntland

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Puntland Yuusuf Maxamed Ismaaciil   ayaa shaaciyay in la qaban doono cid kasta oo fiiso la’aan ku soo gasha gudaha Puntland islamarkaana sharciga lala tiigsan doono.

 

“Dalkan Puntland waxaa lagu soo geli karaa waa fiiso,cid kasta oo tahriib iyo sharci –darro ku soo gasha dalka Puntland waa la qabanayaa maxkamad baana la horkeenayaa” ayuu yidhi wasiir ku xigeenka Amniga Puntland.

 

Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmaya xilli degaannada Puntland ay ku soo badanayan tahriibayaasha ka imaanaya koonfurta Soomaaliya iyo gudaha dalka Ethiopia kuwaasi oo qaarkood u sii gudbaan dhinaca dalalka Carabta.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker