Shacbi waynaha Dalka Kenya oo Qirtay inay Dawladoodu ku fashilantay in Somalia kala Xaajooto Kiiska Badda
Warbaahinta Kenya ayaa hadal heysa go,aankii madaxweynaha dalka Somalia Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, uu gaashaanka ugu daruuray baaq ka soo baxay madaxweynaha dalka Kenya oo ahaa in wadahadal lagu xaliyo qilaafka ka dhashay sheegashada Kenya ee qeyb ka mid ah badda Soomaaliya.
Jaraa,idka Nation ee ka soo baxa magaalada Nairobi ayaa Cinwaan uga dhigay in Uhuru uu ku fashilmay dadaalada uu ugu jiray in wada-xaajood dhexmara Labada Wadan ee lagu xaliyo qilaafka dhanka Badda ,
oo sii xoogeestay bishii Febraayo Sanadkaan.
Dhanka kale shacabka dalkaasi ayaa qaarkood sheegay in fashil ay wajaheyso dowlada Jubulee.
Uhuru Kenyatta oo horay howshaan ugu igmaday wasiirada arimaha dibada ms Monica Juma ayaa waxay ku guul dareysatay taasi oo keentay in mugdi uu soo galo kalsoonida uu ka qabo shaqada Haweeneydaasi.
Madaxweynaha dalka Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maalintii khamiista ee todobaadkii hore sheegay in Soomaaliya ay kaliya aqbaleyso in Kenya ay ku kala baxaan maxkamada Cadaalada ICJ ee fadhigeedu yahay dalka Holand.