Koomishanka Doorashooyinka Qaranka, Ayaa Si Rasmiya U Soo Gunaanadday Qaadashadda Shaqaalaha Ka Hawlgalay Diiwaan-galinta
Koomishanka Doorashooyinka Qaranka, Ayaa Si Rasmiya U Soo Gunaanadday Qaadashadda Shaqaalaha Ka Hawlgalay Diiwaan-galinta Cod-bixiyeyaash Saddexda Gobol Ee Awdal, Maroodi-jeex Iyo Saaxil.
Hawshan Ay Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL Ay maanta u soo gebogabeeyeen Oo Ahayd mid imtixaan Laga qaadaayey shaqaalihii soo codsaday shaqooyinka ka banaanaa 3 Gobol ee Galbeedka JSL (Awdal, Maroodi-Jeex & Saaxil).

Munaasibaddan Waxa Goob Joog Ka Ahaa Masuuliyiinta Saddexda Xisbi Qaran Ee Dalka u Qaabilsan Hawlaha Koomishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland.
Geesta kale Waxa Si Weyn Uga Socota Xaruunta Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland Ee Caasimadda Hargeysa Hawlaha Loogu Diyaargaroobayo Diiwaan-galinta Cod-bixiyeyaash Doorashooyinka Dalka. Iyaddoo La Filayo Inay Dalka Ka Dhacdo Doorashadda Madaxtooyadda 13-ka Bisha November Ee Isla Sannadkan 2022-ka.