Ciidanka Booliska Somaliland Oo Loo Tababarayo xirfada  Sumada cusub ee gadiidka Somaliland

Tobabar ku saabsan xogta iyo xirfada  Sumada cusub ee gadiidka Somaliland ayaa shalay loogu qabtay hoolka jaamacada hargeysa  qaybaha kala duwan ee amaanka, kulankaasi oo ay kasoo qayb galeen , Wasiirka wasaaradda gadiidka iyo horumarinta jidadka iyo taliye xigeenka labaad ee ciidanka booliska ayaa lagaga hadlay sidii ay iskula jaanqaadi lahayeen ciidanka ilaalada wadooyinka iyo xogta ku duugan sumada cusub ee gadiidka .

 

Wasiirka wasaaradda gadiidka iyo horumarinta jidadka ,Cabdilaahi Abokor , ayaa sheegay in tababarkan ay ka codsadeen ciidanka booliska Somaliland gaar ahaan ciidanka ilaalida wadooyinka , waxanu xusay in ay muhiim tahay in ciidanku kala barto xogta sumada cusub ee gadiidka Somaliland si aanay ugu khaldamin hadii la sameeyo sumad la mid ah oo foojari ah .

 

Taliye xigeenka labaad ee ciidanka booliska Somaliland , Sareeyo guuto Daahir Cali Wacays oo madasha tobabarka ka hadlay ayaa sheegay in ciiidanka looga baahan yahay in ay la jaanqaadan isbedelada cusub iyo xogaha qarsoon ee ku duugan sumada gadiidka .

 

Tobabarkan ayaa noqonayaa kii ugu horeeyey ee loo furo ciidanka ilaalada wadooyinka tan iyo markii la keenay sumada cusub ee lagu talagalay in lagu bedelo sumadii hore ee ay isticmaali jireen gadiidleyda Somaliland.

Related image

Image result for sumadda cusub ee gaadiidka

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker