Xisbiga Waddani oo Ku baaqay in Madax Banaanida laga qaado Wakaalada biyaha ee Hargeysa

Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa Madaxweynaha ugu baaqay in uu wakaaladda biyaha ee Hargeysa hoos geeye Wasaaradda horumarinta biyaha.

 

Xoghayaha arrimaha bulshada ee Xisbiga Waddani, Maxamed Sidiiq Dhamme ayaa sheegay in nidaamka shaqo ee waakaladda biyaha ee Hargeysa uu yahay mid baalmarsan sharciga islamarkaana ay ka jira tacadiyo uu kaco mareeyaha Wakaaladdu.

 

Xoghaye dhamme ayaa sheegay in shaqaalaha wakaallada biyaha lagula kaco falal aan habboonayn islamarkaana biyo gelinta hargeysa ay tahay mid ugu qaalisan guud ahaan gobollada dalka.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker