Madaxweynaha Ukraine Oo NATO ku dhaleeceeyay diidmada in la sameeyo aag ka caagan duulimaadyada.
Madaxweynaha Ukraine ayaa waxa uu weerar afka ah ku qaaday hoggaamiyayaasha NATO kuwaas oo diiday inay dalkaasi ka sameeyaan aag ka caagan duulimaadyada.
Khudbad kulul oo uu Volodymyr Zelensky jeediyay ayuu ku sheegay in cagajiidka reer Galbeedka ay ka cagajiidayeen inay arrinta soo farageliyaan ay Ruushka siisay “ogolaanshiyaha” ah inay sii socdaan duqaymaha lagu hayo tuulooyinka iyo magaalooyinka dalkaasi.
NATO ayaa waxa ay ku dooday in haddii la sameeyo aag ka caagan duulimaadyada ay sababi karto inuu qarxo dagaal ay la galaan Moscow.
Madaxweynaha Ruushkana, Vladimir Putin, waxa uu Sabtidii sheegay in tallaabakasta oo noocaasi ah loo arki doono inay tahay “ka qeybqaadashada colaad hub la isu adeegsanayo oo uu ku dhaqaaqay dalkii arrintaas sameeya”.