Ku dhawaad 10 qof oo ku geeriyooday dagaal beeleed ka dhacay waqooyiga gobolka Galgaduud

Ku dhawaad 10 qof oo dhinacyadii dagaalamayay ah ayaa ku geeriyooday, in ka badan 15-kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal beeleed ka dhacay degaan katirsan waqooyiga gobolka Galgaduud.

Maleyshiyaadka dagaalamaya oo kasoo kala jeeda Cabudwaaq iyo Xeraale, ayay dirir xooggani ku dhexmartay degaanada miyiga ah ee waqooyiga Galgaduud, waxayna dirirtooda salka ku haysaa aano qabiil iyo muran la xiriira dhinaca deegaanka.

Ciidamo katirsan maamulka Galmudug ayaa kala dhex galay labada maleyshiyo beeleed, iyadoo lagu guulaystay in xabbada la joojiyo, islamarkaana la kala qaado maleyshiyaadka dagaalamayay.

Labo todobaad ka hor ayay ahayd markii waqooyiga gobolka Galgaduud aano qabiil loogu dilay, nabadoon Cabdi Daahir Daa’uud, oo kamid ahaa xoola dhaqatada degaanka Laanqeylo ee gobolka Galgaduud. koox hubaysan ayaa gurigiisa ku dilay.

Gobolka Galgaduud ayaa kamid ah meelaha ugu badan ee ay kusoo noq noqdaan colaadaha salka ku haya dhul daaqsimeedka iyo aanooyinka qabiilka.

Illaa iyo hadda xal lagama gaarin, waxaana colaadahan loo arkaa inay qeyb weyn ku yihiin waxyaabaha ragaadiyay horumarka gobolka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker