Sababta Ay Xaliimo Aaden ugu soo laabatay shaqada “Fashion-ka” oo ay horay uga baxday

Maadaama ay tahay gabadhii ugu horraysay ee xijaaban ee dharka xayaysiisa, jilaaga Soomaali-Maraykanka ah ee Xaliima Aadan kuma cusba shaqadan.
Xaliimo Aaden waxay shaqadan si kadis ah uga baxday bishii November ee 2020-kii, iyadoo sheegtay in ay xayaysiinta dharka uga baxday diinteeda ay aaminsan tahay awgeed.
Gabadhan Muslimadda ah ee dharka xayaysiisa ee 24 jirka ah ayaa markii ay shaqadan isaga tagaysay barteeda Instagram-ka ku qortay “Berriba waxay isoo wici karaan, balse xataa haddii aan qaadanayo 10 milyan oo dollar wax gorgortan ah ka gelimayo diintayda”.
Balse hadda waxay sannad ka dib dib ugu soo laabatay jilliinkii xayaysiista dharka ee ay isaga baxday- balse haatan waxay doonaysaa in ay isbaddal samayso intii ay shaqada oo dhan ka dhex bixi lahayd.
“Waxaan doonayaa in aad dib ugu laabto shaqadaydii aan jeclaa anigoo la imaanaya calaamad ganacsi oo waafaqsan dhaqankayga iyo waxa aan aamisanahay” ayay u sheegtay Page Six Style.
“Muhiim ayay ii tahay inaan shaqada ku soo laabto anigoo wata shuruudahayga, aad ayaan ugu faraxsanahay in aan fursad u helay in sida aan rabo aan hawlahayga u qabsado”.
Shaqadeedii ugu horraysay soo labashadeeda ka dib ayay la bilowday Vita Coco oo ay afhayeen u noqotay qaybta baraha bulshada ee shirkaddaas. Vita Coco waa mashruuc ganacsi oo lagu taageero bulshooyinka qumbaha beerta ee Philippines iyo Sri Lanka.
Maxay markii hore uga baxday “Fashinka”?
Xaliima Aden, waxay ahayd gabadhii ugu horeysay ee iydaoo xijaaban sameysay xayeysiiska dharka. Bishii November ee sannadkii hore ayey ka baxday shaqadaas, waxayna sheegtay in aysan waafaqsanayen diinta Islaamka.
Wareysi gaar ah oo ay siisay weriyaha arrimaha diinta ee BBC, Sodaba Haidare, waxay ku sheegtay sababta buuxda ee ku kulliftay in ay isaga baxdo shaqadaas, iyo sida ay go’aankaas ku gaartay.
Xaliima, waxay ku nooshahay xaafadda St Cloud ee Minnesota, halkaas oo ah goobta ay ku barbaartay. Waa xaafadda ay deggan yihiin Soomaalida ugu badan ee Mareykanka. Marka ay halkaa joogto, waxay u lebisataa sida caadiga ah, mana marsato waxyaabaha la isku qurxiyo, waxayna si farxadleh u haysataa Eeygeeda, Coco.
Gabadhan oo ka dhooftay xerada qaxootiga ee Kakuma ee Kenya, oo ah halka ay ku dhalatay, farriimo ay soo dhigtay baraheeda Twitter iyo Instagram, bishii November, waxay ku sheegtay “in ay nafteeda ku dhaliileyso xoogga ay saartay fursadda ay ka heshay fashion-ka, ayna hilmaamtay wuxuu u horseedi karo.”

XIGASHADA SAWIRKA,FADIL BERISHA
Xaliima oo ka mid ah gabdhihii ugu horreeyay ee fashion-kooda ku soo bandhiga xijaab ayaa sheegtay in ku fogaatay waddo lunsan, mararka qaarna aysanba salaadda tukan jirin.
Dadka qaar waxay ku tilmaameen in ay ahayd gabadh xijaabnayd oo guul ka gaartay xayeysiiska dharka iyo modelling-ka, oo lagu sawiray bogga hore ee wargeyska Vogue, oo ka warrama quruxda iyo dharka. Waxaas oo dhan waxay isaga tagtay laba bilood ka hor ka dib markii ay shaqadaas waafaqi wayday caqiidadeeda.
“Waa wareysigii iigu horreeyay ee aan si deggan u bixiyo,” ayey tiri iyadoo qosleysay. “Sababtoo ah, 10 saacadood kuma qaadan si aan u xirto dhar iyo is qurxin aanan dooneyn in aan sii wato.”
Maadaama ay xijaab xiraneysay, Xaliima iyada ayaa xulan jirtay dharka ay xiran jirtay ee bandhigyada quruxda. Bilowgii, waxay wadan jirtay boorso ay ka buuxaan xijaabyo, saakooyiin dhaahdeer iyo koonooyiin. Munaasabaddii ugu horeysay waxay xiratay xijaab dheer oo madow oo iyada ay la timid ololihii Quruxda ee Rihanna’s Fenty Beauty.
Wadahadal kama aysan geli jirin in ay xijaab xirato. Waxay muhiim u ahayd sannadkii 2017-kii oo heshiis ay la saxiixatay shirkadda IMG, oo ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn ee xayeysiiska dharka iyo quruxda ee dunida.
Waxay heshiiska ku dartay qoraal u gaar ah oo ay ku sheegtay in IMG ay ogolaatay in weligeed aysan iska bixin doonin xijaabka. Wuxuu xijaabkeeda la mid ahaa dunideeda oo dhan.

XIGASHADA SAWIRKA,GILIANE MANSFELDT PHOTOGRAPHY
Xaliima ayaa sheegtay in hooyadeed ay marar badan ka codsatay in ay ka harto mihnaddaas, waxaana ay tilmaantay in “ugu dambeyn ay ku guulaysatay”.
“Hooyaday waxa ay sabab u tahay guulaha iyo farxadaha aan gaaray. Yoolkeyga cusub ayaa ah inaan farxaddeeda ka shaqeeyo,” ayay barteeda Twitter ku qortay.
“Waxaa jiro gabdho u dhimanaya sidii ay u heli lahaayeen heshiis ku saabsan xayeysiiska dharka,” ayey tiri. “Balse aniga waxaan diyaar u ahaa in aan ka tago shaqada haddii waxa aan rabo la aqbali waayo”.
Balse muddo ka dib, iyada ma aysan maamuleynin dharka ay xiraneyso, waxayna ogolaatay maryo madaxa lagu xirto, kuwaas oo bilowgii haddii loo sheegi lahaa ay diidi lahayd.
“Ugu dambeyn waa la iga leexiyay waddadii, waxaana ku jahwareeray meesha aan laga gudbi karin, waxaana koox u ogolaatay in ay sameeyaan qaabka aan u xijaabanaayo.”
Xaliima ayaa sheegtay in hooyadeed ay marar badan ka codsatay in ay ka harto mihnaddaas, waxaana ay tilmaantay in “ugu dambeyn ay ku guulaysatay”.
“Hooyaday waxa ay sabab u tahay guulaha iyo farxadaha aan gaaray. Yoolkeyga cusub ayaa ah inaan farxaddeeda ka shaqeeyo,” ayay barteeda Twitter ku qortay.
“Waxaa jiro gabdho u dhimanaya sidii ay u heli lahaayeen heshiis ku saabsan xayeysiiska dharka,” ayey tiri. “Balse aniga waxaan diyaar u ahaa in aan ka tago shaqada haddii waxa aan rabo la aqbali waayo”.
Balse muddo ka dib, iyada ma aysan maamuleynin dharka ay xiraneyso, waxayna ogolaatay maryo madaxa lagu xirto, kuwaas oo bilowgii haddii loo sheegi lahaa ay diidi lahayd.
“Ugu dambeyn waa la iga leexiyay waddadii, waxaana ku jahwareeray meesha aan laga gudbi karin, waxaana koox u ogolaatay in ay sameeyaan qaabka aan u xijaabanaayo.”
Sannadkii ugu dambeeyay ee xirfaddeeda, xijaabkii ay xiraneysay wuu sii yaraaday, mararka qaarna waxaa muuqday qoorteeda iyo xabadkeeda. Mararka qaarna, halkii ay xijaab ka xiran lahayd, waxaa madaxa loogu xirayay maro jiinis ah iyo dhar kale.
Waraysi ay BBC Somali siisay dabayaaqadii 2019-kii, xilligaas oo ay booqasho ku joogtay Kakuma waxa ay uga hadashay sida ay isugu dheellitirto shaqadeeda xayeysiinta iyo Diinteeda Islaamka.
“Ma jirto haweeney lagu qasbi karo in ay xijaab xirato mana jirto haweeney lagu qasbi karo in ay iska dhigt xijaabkeeda”, ayey tiri.
Xaliima ayaa indhaha caalamka soo jiidatay markii ay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee iyadoo xijaaban ka soo muuqatay majalladda Vogue.

 

@ BBC Somali

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker