Sawirka nin muddo la’ laa oo ay aad isugu dhawaayaan hoggaamiyihii Wagner oo la baahiyay

Sawir la soo dhigay baraha bulshada ayaa u muuqda mid muujinaya Jeneraal Ruush ah oo aan lagu arag meel fagaare ah tan iyo markii kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee Wagner ay dalka Ruushka ka sameeyeen amar diido bishii June.

Sergei Surovikin ayaa la sheegay inuu aad ugu dhawaa madaxii Wagner Yevgeny Prigozhin, kaasoo ku dhintay shil diyaaradeed bishii hore.

Waxaa jiray warar sheegaya in Jeneraal Surovikin lagu hayo baaitaan ku saabsan suurtagalnimada ah inuu ku lug lahaa rabshaddii dhacday.

Laakiin sawir la sheegay in uu muujinayo taliyihii hore ee ciidamada Ruushka ee k usgan gudaha Ukraine ayaa hadda lagu daabacay baraha bulshada.

Qaar ka mid ah warbaahinta Ruushka ayaa barahooda Telegram ku daabacay Isniintii in Jeneraalku uu caafimaad qabo oo u uku suganyahay gurigiisa.

BBC-du wali ma aysan xaqiijin dhabnimada sawirkan oo muujinaya nin xiran ookiyaalaha qoraxda oo lugaynaya gacanna ku haysta haweenay timo cad oo loo maleynayo in ay xaaskiisa tahay.

Suxufiga Ruushka u dhashay ee Alexei Venediktov ayaa ku qoray bartiisa Telegram: “General Surovikin waxa uu ku sugan yahay guriga isaga iyo qoyskiisa. Waxa uu ku maqan yahay fasax,”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker