Boqorkii Zulu oo geeriyooday labo toddoobad kadib dabaal degga dhalashadiisa

Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa ku dhawaaqay geerida isagoo sidoo kale ka tacsiiyeyay.

“Waxaan aad uga xumahay inaan ku dhawaaqo geerida Amiir Mangosuthu Buthelezi, Amiirka Kwa Phindangene, Ra’iisul Wasaaraha Dhaqanka ee Boqortooyada Zulu iyo Qaranka, iyo Aasaasihii ahaana Madaxweynaha Emeritus ee Xisbiga Xoriyadda Inkatha”.

“Amiir Mangosuthu Buthelezi waxa uu ahaa hoggaamiye heersare ah oo soo maray siyaasadda iyo nolosha dhaqanka ee qarankeena, oo ay ku jiraan halgankii xornimo doonka, kala guurkii inoo sugay xoriyadeena 1994 iyo dimoqraadiyaddeenii”. Ayuu sii raaciyay

Amiir Buthelezi, oo soo noqday Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee ugu horreeyay ee dimuqraadiga ah ee Koonfur Afrika, ayaa geeriyooday saacadihii hore ee saaka, laba toddobaad uun kadib dabaaldegga dhalashadiisa 95aad.

Waxaa lagu dhawaaqi doonaa waqtigeeda xilliga aaska, iyadoo lagu salaynayo wada-tashi dhexmara dowladda iyo qoyska, oo ku saabsan qabanqaabada baroordiiqda iyo maamuuska boqorka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker