Laacib ka Paul Pogba oo Qirtay inuu Masuul.ka.Ahaa.Guuldaradii Xalay Soo.Gaadhay Man united

Xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba ayaa qirtay in qaladkii uu sameeyey ee rikoodhaha noqday uu ahaa sababta ugu weyn ee Manchester United ay u guul-darraysatay ciyaartii xalay.

 

 

Pogba ayaa qalad ku galay Hector Bellerin, waxaana loo dhigay rikoodhe uu Arsenal u dhaliyey kabtankooda Pierre-Emerick Auubameyang, iyadoo goolkaasina noqday midka kaliya ee labada kooxood ku kala saaray Old Trafford ee ay kala dhaliyeen.

United ayay u ahayd kulankii afraad oo xidhiidh ah ee aanay wax guul ah kasoo hoynin kulamada horyaalka ee garoonkeeda Old Trafford, waxaanay tani dhibaato ku tahay Ole Gunnar Solskjaer oo wax la iska weydiinayo mustaqbalkiisa.

 

 

Kubbad-sameeyaha reer France ee Paul Pogba ayaa khadka dhexe kula soo bilowday Fred, McTominay iyo Bruno Fernandes, waxaase uu garoonka ka baxay isaga oo ay saaran tahay eedda guul-darrada soo gaadhay kooxdiisa.

 

 

Pogba oo u warramayay MUTV ciyaarta kaddib, ayaa qirtay inuu aad uga niyad-jabsan yahay, shaqsiyanna uu yahay midka sameeyey qaladka guul-darrada u keenay kooxdiisa,

 

Waxaanu yidhi: “Aad ayaan u niyad-jabsanahay. Kooxda, goolka iyo wax kasta. Waxay ahayd mid ka duwan Champions League oo aanu fiicnayn, weerar ahayn oo aanu khatarna u ahayn in noogu filan guul aanu gaadhno.

 

 

“Maanta, qaladka ayaa guul-darrada noo keenay, waana qalad anigu aan galay. Sidii aan sheegay, waa qaladkayga. May ahayn inaan sidaa sameeyo, waana inaan noqdo mid ku fiican xerada ganaaxa.”

Paul Pogba waxa uu intaa kaddib ka hadlay sidii uu ku dhacay qaladka uu ku galay Bellerin ee sababta u noqday in lagu dhigo rikoodhaha keenay guul-darrada,

 

Waxaanu yidhi: “Waan eryanayay, marka lasoo galo xerada ganaaxana waa inaad noqoto mid xariif ah oo firfircoon.

 

 

“Gacmahayga ayaan kor ugu qaaday qaladkan, may ahayn inay dhacdo.

 

Dabcan kooxdu wax walba way i garab istaagtay, laakiin aniga ayay shaqsiyan ii dhaawacaysaa inaan galo rikoodhaha keenay guul-darrada 1-0 ahayd, waana qalad edeb-darro.

 

“Waxa aan u malaynayay inaan kubadda hor-taabtay, laakiin isaga ayaa kubadda taabtay aniga hortay, markaas kaddib ayaan ogaaday inaan habsan ahaa. Dhab ahaantii ma ahayn taakal, balse sidii aan sheegay, waa inaan aad iskaga hubiyaa.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker