Siyaasi Siweyn Looga Hadalhayo Hargeysa Inuu Ku Dhawaaqo Furista Ururada Siyaasada
Siyaasiyiinta U Diyaarsan inay Ku Dhawaaqaan Furista Ururada Siyaasada oo Siweyn Looga Hadalhayo Hargeysa iyo Saamaynta Ururkii Ay Furteen Xaglo-Toosiye.
Maalmihii ugu Dambeeyay, Caasimada Somaliland ee Hargeysa, Waxa Siweyn Loo hadalhayey Siyaasiyiinta, Safka Kusoo jirra ee u Diyaarsan Maalmaha Soo Socda innay Shaaca Ka cadeeyaan Damacooda Siyaasiga ah ee Furashada Ururada Siyaasada, taas oo sii Xoogaysatey Kadib Markii, Toddobaadkii hore ay Caasimada Hargeysa Ku qabsadeen Xafladii Wanqalka Urur Siyaasadeedka Urur Siyaasadeedka Shacabka Somaliland ee Loo Soo Gaabiyay(SPP), Ururkan, oo uu Hormuud ka ahaa Wasiirkii hore ee Caafimaadka Somaliland, Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo Saleebaan Xaglo Toosiye oo Kasoo jeeda Beelaha Harti, Markii hore ka maqnaa Damaca Siyaasiga ah ee Hogaaminta Xisbiyadda.
Hadalhaynta Urur Siyaasadeedkan, lagaga Dhawaaqey Dhawaan Caasimada Hargeysa oo, Fariimo badani Kaga soo Noqdeen Shacabka Somaliland, ee Qurbaha iyo Dalka Gudihiisa labadaba, taas oo lagu Taageerayo Ururka, Waxaa ka dhashey, in Siyaasiyiin qorshaystay iyagguna in ay Furtaan Ururada Siyaasadu, ay Tani u Noqotey Talaabo Ku Dhiirasho, iyo Dardargalin ah Waxaana Habeenadan u Dambeeyay, si aad ah loo hadalhayey in Toddobaadka Soo Socda, uu Siyaasiga Dr Maxamed Cabdi Gaboose, Galka Kasoo Furayo Urur Siyaasadeed, ay Ku bahobeen Rag Siyaasiyiin ah oo Door Ku Leh Siyaasada Somaliland, Waxaanay Wararku tibaaxeen inn Dr-ku indhawaale Ka shaqeynayey Urur Siyaasadeed Sal balaadh ah, oo Ku doonayo innuu Kusoo Khatimo Damaciisa Siyaasada, Kana Faa,ideysto Fursadan Maadaama uu Waayo aragnimo u leeyahey, Ururada Siyaasada, Waxaana La hadalhayaa innuu Dr Maxamed Cabdi Gaboose Toddobaadyada Soo Socda Ku Dhawaaqi Doono Ururkiisa.
Sikasta, oo ay Tahey, mayara Hadalhaynta Damaca Siyaasiyiinta, u hanqal Taagaya Ururada Siyaasada Somaliland, iyaddoo ay Jiraan Wasiiro Katirsan Xukuumadda oo iyagga laf ahaantooda Damac Siyaasi ah oo Furista Ururada Ku Wajahani, Ku dhashey islamarkaana, ay iska Casili doonaan Xilalka ay ka hayaan Dawladda, halka Siyaasiyiinta hore uga Tirsanaa Xisbi Xaakimka Kulmiye, iyo Xukuumadii horena, ay hadalhayntooda Ururada Siyaasadu tahey Mid Tusbax Furtey ah.