Wadaadkii Iyo Fannaanaddii Isguursaday!

Wadaad iyo fannaanad ayaa ismehersaday. Waa laba qof oo aad u kala fekrad, iyo nolol duwan. Casrigan waxyaabaha uu la yaabka yahay waxa ugu qosolka badan Wadaad aan Masaajid ka bixin, iyo Fannaanad Salaadda markay doonto Tukataa inay isguursadaan! Toloow, maxay iskaga midyihiin ee isku keenay?! Labada judha horaba isku deegaan maahee? Malaha waa calaf. Malaha waa dareen. Malaha waa danaysi. Malaha wax kalaa mideeya! Ta dhexe u badi.

 

Waxa ugu wayn ee mideeyaa waa dareen. Dareenku ma yaqaanno labada qof waxa ay ku kaladuwanyihiin, waxa ay isku hayaan, iyo waxa ka dhex oogan toona. Waa wax indha & dhegala’ oo qofkii ay u saarto sida sixirka ku dhega! Ma yaqaanno Wadaad & Waranle.

 

Arooskii iyo qaabdhaciisii ayay isku khilaafeen ba Wadaadkii iyo Xaaskiisii Al Fannnaana Canab Qaali! Aroosku iyo qaabka uu noqday, sida wadaadku rabay & Sida Fannaannadu rabtay, sida labadaas qof iskula dhibbanyihiin & waxa dhexyaallaba ha ii danbeeyaan, intan ila yara dhuux.

 

Lammaanuhu si uun bay isku saameeyaan guurka ka dib. Waa haddii lammaanuhu marka hore aad u kala durugsanaayeen fekradaha. Inta badanna wax uun bay ku kaladuwanyihiin. Saamayntaasi waxa ay noqon kartaa mid taban, ama se mid togan. Wadaadkii iyo Fannaanaaddii  markay isguursadeen way isa saameeyeen.

 

Cawaysyada oo ay jeclayd ayay ku qalqaallisay inay Saygeeda gayso. Wuu ka oggolaaday. Se maadaama uu Wadaad ahaa oo uu Khamiis xidhanjiray inuu Dharka mushakalka ah ee meelkasta lagu tago, ee Sheekh, shayddaan iyo shariif ba xidhaan inuu soo xidho ayay kula talisay. Wuu ka yeelay. Dharkaasi waa shaadhka iyo Surwaalka.

 

Iyadu sideedii awal ayay Diracii Baacwaynaha, iyo Shalmad isku juftay. Wadaadku wuu afgaabanyahay. Inuu Xijaab xidho yidhaa, maalmahan hore wuu ka yara gaabsanayaa. Wuxuu isleeyahay horta bal aad isku barta, oo gabadha soo dhawee, markaas ayaad wacdiga ku qulaamine.

 

Habeennada Jimcaha inuu Cawayska Xarunta Heesaha laga qaado isku raacaan ayay ku heshiiyeen. Caawa waa Jimce. Waa kan Wadaadkii oo Xarunta xaaskiisa u raacayaa. Xarunta waa Farasmagaalaha. Baabuur bay ku tageen. Meeshii bay galeen.

 

Xaajigii markii heestii la bilaabay, wuu eegay. Miskiin soo qaldamay oo meeshiisii meel aan ahayn yimid ayuu ahaaye afkiibaa juuqada gabay. Haddii uu isyidhaa isrux oo dadkan wada boodboodaya dhinac ula bood wuu ka yara xishoonayaa! Hadduu isyidhaa Xaaskaaga gacanta qabso, wuxuu isleeyahay waxa lagu odhan ‘ Ninkan gadhka lihi muu waalanyahay, waq maxay naagtan uu gacanta qabsanayaa! Malaha caadi maaha IWM.” Talaa ku ciirtay. Waxkasta waxa uu quruxbadanyahay markuu joogo halkii uu ku habboonnaa!

 

Inantu marka horaba mid Masraxyada lusha, oo kolba dhinacay doonto ugu galgalata ayay ahayd. Sideedii ayay markii heesihii la bilaabay muraaqootay. Way islushay, hore iyo dibay u kala baxday. Markay Qaacigii, heesihii iyo wixii muddo socdeen ayay isku dayday inayn ninkeeda gacanta qabsato, oo la jaasto! Waatan gacanta soo qabatay. Wuu iska fujiyay intuu yidhi: ” Naa nasii daa carruur ma nihine.’ Kkkkkkkkk.

 

Inantii way naxday sidii inuu Shoog qabsaday. Way iska dhaaftay. Mar kale ayay tidhi bal Xaajiga gacanta qabo qof nool lagama quustee! Waatan gacanta qabatay ee tidhi: ” Qaali anigu Xaaskaagii baan ahay. Waa caadi.” Isaga oo khajilsan ayuu yidhi: ” Haye Qaali.”

 

La soco qaybta xigta.

 

 

WQ: Cabdirisaaq Sandheere

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker