Holland: Nin Laga Helay isagoo Nool Kuna jira halka la geliya taayarka diyaaradda

Booliska dalka Holland ayaa xaqiijiyey in qofkii laga helay isagoo nool lugta diyaarad xamuul oo ka dagtay magaalada Amsterdam ee dalka Holland uu yahay 22 jir ah u dhasahay Kenya .

Ninkan ayaa qorshihiisu ahaa in uu magangalyo ka helo dalka Holland.

Ninkaas ayaa haatan miyir qaba wuxuuna awoodaa in uu dadka la xidhiidho haatanna waxaa lagu daweynayaa cusbitaal.

Diyaardda laga helay ninkaas ayaa ka soo duushay magaalada Johannesburg ee dalka koofur Afrika waxayna ku hakatay magaalada Nairobi ee dalka Kenya

Boliiska Holland ayaa haatan baaraya haddii uu ninkaas diyaaradda ka soo raaacay Koofur Afrika ama Kenya.

Afhayeen u hadlay boliiska milatariga ee dalka Holland ayaa warbaahinta u sheegay ‘’ waxaa la filayaa in uu magangalyo weydiisan doono dalka Holland laakiin ‘’daweyntiisa ayaa mudnaanta leh hadda.”

Waa wax naadir ah in qof uu ka badbaada safar diyaaradda lugteeda isagoo ku jira maadama uu jira qabow badan iyo jooga oo sareeya islamarkaana ay yartahay hawada oksijiinta.

Duulimaadyada ka yimaada Johansburg ee ku socda Amsterdam waxay ku qaadataa safarka 11 saacadood.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker