Finland oo sheegtay in si qaldan loo isticmaalay lacago loogu talagalay dib u heshiisiinta Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Finland ayaa qorsheyneysa inay 50,000 oo Yuuro ah ka soo ceshato hay’adda Kaniisadda ee Finn, kaddib markii shaki laga muujiyay in dhaqaalahaas si sax ah loo isticmaalay.

Wasaaraddu waxa ay sheegtay in ay doonayso in dib loo soo celiyo lacagahaas โ€œmaxaa yeelay waxay sheegtay in aysan suurta-gelin in la xaqiijiyo in dhaqaalihii loo isticmaalay si waafaqsan goโ€™aanka deeqda dawladda Finland.

Sannadkii 2021-kii Wasaaradda Dhexdhexaadinta Nabadda ee Finland ayaa bixisay qarashkan, oo loogu talagalay in lagu hormariyo geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta qaranka ee Soomaaliya.

Wasaaraddu waxay sheegtay in lacagtan ay ugu deeqday sidii loo xoojin lahaa ka qaybgalka ballaaran ee shacabka Soomaaliyeed ay ku yeelanayaan wadatashiyada qaran, loogana hortagayo in ay sii huriyaan qalalaasaha siyaasadeed ee doorashada ka hor, hase yeeshee lama xaqiijin karo in dhaqaalahaasi loo adeegsaday arrintaas.

Wasaaradda arrimaha dibadda Finland ayaa sheegtay in ay billowday baaritaan madax-bannaan oo lagu baarayo hawlaha ururka si loo hubiyo in ay qaadato tallaabooyin ku filan oo lagu xoojinayo hababka maaraynta kaalmada la siiyo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gargaarka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker