Ururka Taaliban Oo Calankooda Ka Taagtay Dooxada Banshiir Oo ay Xoog ku Qabsadeen

Ururka Taalibaan ayaa sheegay in haatan maamulaan dhamaan Waddanka Afgaanistaan, kaddib markii ay calankooda ka taageen xafiiskii badhasaabkii hore ee Gobolka Pandashir oo ah Gobolkii ugu Dambeeyay ee ay ka Xoreeyaan Maleeshiyaad kasoo hor jeeda Xukunkooda.

Walow Axmed Mascuud, oo ka mid ah hogaamiyayaasha wax-iska-caabbinta, uu wacad ku maray inuu dagaalka sii wadi doono, balse lama oga meesha uu jaan iyo cidhib dhigay .

Mullah Hadiyat Ullah Badar, oo ka mid ah hogaamiyeyaasha Taalibaan ayaa dadka dooxadaasi ugu baaqay inay guryahooda joogaan oo aanay u qixin buuraha, isagoo sheegay inaanan wax loo dhimi doonin, hasayeeshee nin ayaa BBCda u sheegay in qoyskiisa ay halkaas isaga qaxeen sababtoo ah waa ay argagaxeen.ayuu yidhi

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker