GOBLAN TALO ADUUNYOOW, MAXAAD GELINBA WAA-JOOGTAY, qormadii 6 aad.

Haddii aynu taariikhda dib u yara  halacsano, saraakiishii hogaaminayaysay ciidamadii u dagaalamayay keligii taliyaha ee tacadiga iyo hagardaamooyinka u gaystay shacabkii Majeerteenka ee goboladda dhexe deganaa sanadihii 1978-81 kii, waxay u badnaayeen saraakiishii kazoo jeeday waqooyiga ee markii danbena Jabhadii SNM hogaamiyayaasha sarsare ka noqday, taas, bedelkeedana, Saraakiishii sarsare ee Jabhadii SSDF hogaaminayay, oo markii Korneyl Abdilaahi Yusuf lagu xidhay Ethopia kadib,  heshiis la galay General Barre ayaa iyaagoo u dagaalamaya keligii taliyaha heshiiskaas kadib, horsed u noqday tacadiyadii iyo hagardaamooyinkii loo gaystay Shacabkii ku dhaqnaa goboladda Waqooyi,  taasoo u muuqanaysay falcelin iyo aarsi ay kaga jawaabayeen falalkii ay saraakiishii reer waqooyiga ahaa ka gasyteen Gobolada dhexe xiligii ay taabacsanaayeen keligii taliyaha.

Xaqiiqatan, halkan laba arimood ayaa kazoo baxayay, 1. In Sarkaal kasta oo jabhadahaas ka mid ahaa uu dareemay dhibaatooyinkii  keligii Taliyuhu umadda kale ku hayay markii isaga reerkiisii lasoo gaadhay ee dhibku haleelay, gurigiisana baroortu soo gaadhay,  balse, aanay lahayn damiir u sheega in dhibka ruuxa Soomaaliga ah gaadhayay, oohinta iyo baroorta ka baxaysay Guriga ku yaala gobolka kale  uu ka dhignaa baroor iyo oohin ka baxaysa Gurigiisii, iyo illin ka tibiq leh ehelkiisii uu jeclaa, sidoo kalena, la yimaadaan dareenka ah in cidda ay hagaardamaynayeen ay ahayd ciddii ay ciidanka iyo dawladda u ahaayeen gobolkasta ha joogeene, sidaasna ku caasiyaan Keligii Taliyaha 2. Inaanay lahayn dareen qowmi ah, balse ay lahaayeen mid qabiili ah, oo la mid ah kan ay keligii Taliyaha ku eedynayeen, waayo, mid kastaaba wuu la socday keligii taliyaha markuu Gobolka kale gumaadiyay, balse, wuxuu ka leexday markii ay dhibaatadu Gobolkiisii soo gaadhay, taasina ma ahaayn caqli iyo garasho saliim ah oo laga filan karo sarkaal qaran oo dal iyo dad loo tababaray, cashuurtiisana wax ku bartay.

Maxsuulkii iyo Cidhibtii ay reebeen isqabadkii  jabhadaha iyo Keligii Taliyaha

Labo halku dheg ayaa sees ah doodihii ay kala wateen jabhadaha iyo keligii Taliye Barre, oo ay nuxurkoodu ahaa in mid waliba ku hanto dareenka shacabka iyo taageeradiisa, 1. Jabhaduhu waxay sheeganayeen Xaq-u-dirir dalka ka xoraynaya dulmiga, caddaalad darada, Eexda, Qaraaba-kiilka, cabudhinta iyo Musuqmaasuqa Keligii Taliye Barre ku hayo, 2. General Barre-na wuxuu ku doodayay inuu dalka ka horjoogo Calooshood u shaqaystayaal qaran dumis ah oo shisheeye u adeegaya, laakiin, laboodada midkoona qalbigooda kuma jirin waxay dadka u sheegayeen, dulucduna waxay ahayd, in Kurisga Xoog lagu kala qabsado, hadaba isweydiintu waxay tahay sodon (30) sano kadib, Muxuu noqday Maxsuulkii iyo cawaaqibkii ka dhashay Hardankaas ka dhaxeeyay labadaas dhinac?  Waxaan qabaa, balse laga yaabaa in dad badani igaga ra’yi duwan yihiin in Maxsuulkii Noday sidan:………. la soco Qormadda 7aad:

Qalinkii: Hussein Mohamed Mohamoud, (Hussein-lucky)

Burco, Email, husseinlucky@hotmail.con

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker