Dagaal Khasaare Sababay oo ka Dhacay Duud-carraale Oo Ceel-afweyn ka tirsan

Dagaal Beelleed lagu hoobtay oo ka dhacay deegaanka Ceelafweyn, dhimashada ayaa sida dadka deegaanku soo sheegayaan kudhow 10neeyo qof halka dhaawaca tiro sugan laga hayn.

Dagaal beelleedka ayaa waxaa ka qaybgalay Gaadiid gaashaaman kasoo dhawaan Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiiradiisa qaar kamid ahiba ay ku edeeyeen inuu leeyahay Boqor Cismaan Buur-madow.

Xukuumadu waxay kaloo hore u sheegtay in gaadiidkan tiknikada ah ay leedahay Jabhad uu samaystay Boqorku taasoo ay yidhaahdeen dhawaan waxay u baxday dhinaca Puntland.

Eeda xukuumada kasokow lama garanayo goorta tiknikadan iyo cida wadataaba dib ugu soo laabteen gudaha Ceelafweyn.

 

Halkan hoose ka daawo warkaas oo dhan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker