Shirkii Madasha Xisbiyada Qaranka Somalia oo Dib Loo dhigay

Muqdisho (OWN) – Madasha Xisbiyada Qaran ee Soomaaliya ayaa ku dhowaaqay in dib Loo dhigay Shirweynihii la qorsheeyey ee Ujeedkiisu ahaa in lixda xisbi ee ku bahoobay Madashu ay ku noqdaan hal xisbi oo leh hal ujeeddo Siyaasadeed.

 

 

Qoraal kasoo baxay Madasha oo lasoo Gaadhsiiyey Oodwaynmedia  ayaa lagu sheegay in guddi farsamo oo ka kooban 6 xubnood, oo kala matala lixda xisbi, Loo saaray isku dubbaridka iyo Qaabaynta midowga lixda xisbi ee ay ka kooban tahay Madashu, Isla markaana ay  kusoo gaba-gabeeyaan shaqadii loo igmaday muddadii loo qabtay oo ah  45 cisho.

 

Si kastaba, Madasha ayaa sheegtay in daruufaha dalka ka jira awgood, gaar ahaan cudurka Coronavirus, dib loo dhigay Shirkii ay ku midoobi lahaayeen lixda xisbi.

 

 

“Madashu waxay ku wargelinaysaa umadda Soomaaliyeed in, iyadoo la tixgelinayo duruufaha ka jira dalka ee ku aaddan caabuqa COVID 19 dartood, in dib loo dhigay shirweynihii ay isugu imaan lahaayeen hoggaanka lixda xisbi si loo dhammaystiro howsha xisbiga,” ayaa lagu yiri qoraalka Madasha.

 

 

Madashu ayaa sheegtay inay dib kasoo sheegi doonto xilliga iyo goobta uu ka dhici doono kulanka guud ee xisbiyada ku bahoobay Madasha markii ay suurogal noqoto.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker