WARQAD FURAN -HIIL DACAR-BUDHUQ

MADAXWEYNE HA IYO WASIIRKIISA DAAKHILIGA WAXAAN LEEYAHAY ‘ LABADII TUKAW-BAL MAXAAD TARTEEN’ TAAGTIINU WAA HA AHAATO TAIWAN.

HIILQARANKANU WUXUU KU JEEDAA REER DACAR BUDHUQ OO MARKA U HORAYSA AAN MUDDO DHEER UGU DAMQANAAYEY MUSLIMNIMO, SOMALINIMO IYO SOMALILAND NIMO KASAKAW AH MEESHA AWAWYAASHAY KU DUUGANYIHIIN DHINACA HOOYADA ( DIIRIYE JAMA IYO IYO XAJI MUSE JAAMAC ) TARANKOODII QAAR BADANI KU DHAQANYIHIIN DACAR BUDHUQ IYO HAREERAHEEDA. Muddo badan waxaan daawanaayey  in (frequently) dhibaato uu daadku ku hayo dalka iyo baabuurta isaga goosha wadanka SOMALILAND  iyo Somaliyaba oo markaa ku qaado dad iyo xoolo badan wax ka hortagana aan dawlad  iyo shacab laga samayn.
Aniga dhibaato gaara bay igu haysaa meeshaa awawyaashay siddeetan sano ku duuganyihiin in DAAD YAR OO LA ISKA CELIN KARO DHIBTIISA MAALIN WALBA DAWLAD IYO SHACAB LAGA DUL OOYO OO AH ARIN CAALAMKU INAGULA YAABO OO LEEYAHAY WAAR MA KUWAN BIYAHA KA FAAIIDAYSAN LAHAAAYEEN LAYNAYAAN IYAGOON WELIGOOD WAX ISKA CAABIYA AAN SAMAYN, ma kuwaasaa ICTIRAAF DOONAYA OO SIDAN INAY DUNI KAGA MID NOQDAAN RABA. maalin maalmaha ka mida  mar aan la kulmay khabiir European ah oo ku takhasusay  (catastrophic) dunida ka dhaca wuxuu igu yidhi dunida waxaa ugu maamul xun Maamulada SOMALILAND ka Taliya ee daadkaa yar ka hortag samayn waayey, wuxuu ii raaciyey hadday wax kale samayn waayeen ma waxay garan waayeen markaa oo daadku soo rogmado  laba saacadood inaan loo ogolaan in gaadhi isku miidaamiyo oo dad iyo xoolo halkaa ku haligo dad badan iyo xoolo badan ku leedaan markasta. Wuxuu ninkaa khabiirka ahi ii raaciyey arintani waxay la mid tahay markaa daawaday DACAR BUDHUQ iyo daadkeeda mid la mid ah arintii ROMANS KII HORE SPORTS KA DHIGI JIRAY EE OPEN THEATRE KA AHAYD EE MAXAABIISTA LIBAAXYADA LAGU SOO DAYN JIRAY EE DADKUNA EE DADKUNA u daawasho iman jiray.Casrigan Maamulka SOMALILAND iyo Shacab ka reer SOMALILAND ceebbay ku tahay inay si gar iyo mag laaana maalin kasta Dooxa DACAR BUDHUQ UGU MADHAAN DUNIDOO ITAAL DARADOODA DAAWANAYSA.
ANIGU WAXAAN LA YAABANAY LIX QOF OO MADAXWEYNE HU U HOREEYO , WASIIRKA DAAKHILIGA, BADHISAABKA, MAAREEYAHA, GUDOOMIYAHA DACAR BUDHUQ,  SHEIKHA MAGAALADA DACAR BUDGUQ U KHUDBADEEYA JIMACAYAASHA intaasoo weliba u ehel yihiin DACAR BUDHUQ XITAA QABYAALADDII REER DACAR BUDHUQ WEY U SHAQAYN LA DAY.
WAXAA JIRA TOBAN ARIMOOOD OO DAADADKA DUNIDA LAGAGA HORTAGO,  LABADA U HOREEYA OO QUDHA OO AYNU AWOOD U LEENAHAY haddii la samayn lahaa :
1- toban gacan oo laga duwo biyuhu intaanay soo gaadhin wadada iyo Magaalada oo lagu faafiyo dagaanada hareeraha si biyuhu isu dhimaan oo u yaraadaan.
2- laba saacadood oo la joojiyo baabuurta AMAR AHAAN oo isbaaradana lagu dejiyo labada dhinac ee dooxa ee wadada.
Nasiib wanaag wasiirkii gaadiidka dawladda oo ka soo jeeda DACAR BUDHUQ iyo Mucidaadkii oo DACAR BUDHUQ jooga,  Madaxweyne ka soo jeeda DACAR BUDHUQ,  wasiirul daakhiliye xundhurtiisa DACAR BUDHUQ laga jaray.
Sheikh DACAR BUDHUQ jimcaha ka KHUDBADEEYA haddaanu dhibaatada ka khudbadayn tolaw muxuu ku khudbadeeyaa.
Ayaan darada SOMALILAND haysata markasta  Xukuumad dheregtay baa ka tagta mid gaajoonaysaana wey u timaaddaa.
M Bashe

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker