Filanwaa sheeko Jacayl Qaybtii 10aad W/Q: Yaasiin Xasan…
Diyaar garow safar dheer ayay Deeqa qorshaysatay, iyadoon cidna la tashan qofna aan usheegin ayay si dhuumasho ah ugu amba baxday Magaalada Boosaaso ee Gobalka waqooyi Bari, intii ayna bixin ka hor waxay diyaarisay warqad ay ku qortay, arrimo xaasaasiya oo ubadan garnaqsi, cabasho, iyo codsi, kadib boshqad ayay ku riday, inkastoo ayna korkeeda ku xusin cida ay ku socoto warqadu, haddana waxay dusha sare kaga sawirtay wadne falaadhi ku qotonto iyo il murugaysan oo ilin ka gobalaynayso!!!
Kaddib warqadii waxay u dhiibtay saaxiibteed Sagal waxayna ka codsatay inay warqadaa u xafiddo oo ay meel adag ku qariso ilaa intii muddo ah, waxay tidhi “waxaan rabaa marka aan ku soo waco qofka aan u gee ku dhaho waa inaad iigu gaysaa, inta ka horraysana aad ii xafiddo”.
Muddo laba todobaad kaddib, waxay isu diyaarisay inay u tahriibto dalka Yeman, maalmihii koobnaa ee ay magaalada Boosaaso joogtay dhagaheedu war lagu farxo mayna maqlayn, waxaa isa soo tarayay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca dad badan oo tahriiba ah oo badweynta ku halaagsamay, doomo qaraqmay ama quusay iyo dad naakhuudayaashu ay bada dhaxdeeda ku daadiyeen, qaarna ay xabbad la dhaceen.
Canab iyadoo cabsi badan dareemaysa haddana go’aankeeda marna ka ma aysan laba labayn, halista iyo dhibaatada baaxada weyn ogaal ayay ugu badheedhay iyadoo og safarkaa aadka u’adag.
Xilli galab gaaba ayaa Canab iyo tobaneeyo qof oo tahriibayaala ah gaari yar lagu geeyay meel magaalada ka durugsan, halkaas oo ay sii joogeen tiro aad ubadan oo iyanaguna safar ahaa.
Dooni alwaax ka samaysan oo naftaba lagu aamini karin ayaa dhammaan tahriibayaashii sidii adhigii laysku dul raseeyay, cidhiidhiga iyo rafaadka waxaa uga daran cabsida qofkii hadlaba madaxa laga garaacayo.
Naakhuudayaasha doontu waa rag hubaysan oo naxariis iyo calool jileec aan aqoon, waxay dadka ula dhaqmayaan si bini’aadanimada ka baxsan, muddo laba hebeen markay bada ku jireen ayaa waxaa kacay dabaylo mowjado waawayn wata, kaddib doonidii awalba xaalkeedu aanu wanaagsanayn waxaa ka luntay jihaddi, dhowr jeerna waxay ku sigatay inay dhacdo, xaaladu markay faraha ka baxday shaqaalihii doontu waxay bilaabeen inay dadka qaar doonida ka tuuraan qofkii isku dayaa inuu dagaalamana xabad ay madaxa uga dhuftaan.
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa war la hayo xiiso male Canab wixii ay idaacadaha ka maqli jirtay ayay si dhaba u aragtay, iyadoo yaaban oo noolasha ka quusatay ayuu ilaahay faraj ufuray, nasiib wanaag dalaylihi ayaa istaagay oo baddi ayaa xawaali noqotay, kaddib safarkoodi ayay halkii kasii wateen iyadoo dooniduba iska faaruq ay tahay oo dadkii saarnaa qaarna badda lagu daadiyay iyagoo nool qaarna inta la dilay doonta laga tuuray, ammin daakiraadi ku beegan ayaa tahriibayaaashii lagu daadiyay xeebta dalka Yeman.
Dhanka kale Habeen habeennada kamida, Maxamed ayaa wuxuu damcay telefoonka lineka ah oo dhawaan gurigooda lasoo galiyay inuu iskaga falaado, nambaro badan oo ku nasiibso ah ayuu wacay, balse inta badan dad waayeela iyo ciyaal ayaa ka qabtay, kaddib wiil ay saaxiibo ahaayeen oo Dagganaa xaafada Howlwadaag ee Magaalada Baladweyn ayuu waydiiyay lambar uu isku mashquuliyo oo gabdho joogaan, wiilki ayaa guri uu ku ogaa hablo badan oo bulshaawiya ayuu nambarkooda siiyay.
Maxamed durba horay ayuu ka garaacay, nasiib wanaag waxaa ka qabatay gabadh aad moodo inayba diyaar ku ahayd goobta telefoonka yaallo, salaan kaddib, hadalo taagtaaga oo kaftan u badan ayaa dhaxmaray, barasho gaaban kaddib cabbaar markay wada hadleen ayay gabadhii ku tidhi: “Walaalo waxaan doonayaa inaan seexdo ee habeen wanaagsan, waa inoo jeer damba, bari ama habeen dambe xiligan oo kale.
Kaddib subaxdii ayuu hadana sidii si lamida u wacay, balse waxay u sheegtay Inay mashquul tahay xiligan la joogo, laakiin waxay ku balameen caawa fiidkii inay si fiican u wada sheekaysan doonaan hadduu allah idmo.
Markii wakhtigii la gaaray ayay gabadhii soo garaacday Telefoonkii Maxamed, salaan ka bacdi si dagan oo xushmo ku jirto oo sidii hore ka duwan ayaa hadalkii lagu ibo furay,waxaana si kadisa laysku dhaafsaday, magacayadooda oo seddexan iyo xaafaddaha ay magaalada Baladweyne kaga noolyihiin, sheeko guud oo waayaha dhallinyarada u badan ayay isla qaada dhigeen, inkastoo ayna is aqoon laakin sheeko aad uwanaagsan ayaa dhaxmartay, iyagoo aad moodo inay saacad badhkeed wada hadlayeen ayuu waaagii baryay.
Maxamed iyo Deeqa dhowr habeen ayay Telefoonka ku wada sheekeysteen, waliba si wanaagsan lays kula fahmay kaftankii. Maxamed gabadha aad ayuu ugu qushuucay hadaladeeda aad ka u macaan, balse waxaa la yaab ku noqotay oo caqligiisa ka daadagi wayd, qofkan sidan u garashiyo garaadka badan ee magaalada joogta, ee haddana gashaantida ah, waxa uu is weydiiyay talow miyayna arag, ragga tirada badan ee guurdoonka ah ee maalin iyo habeen qolqolada wareegee laga seexan waayay.
Deeqa lafteeda sidaa iyo ka badan ayay ugu bogtay hadallada Maxamed, waxay ku sifaysay inuu yahay nin aftahana oo codkara, waxay si kal iyo laab u soo dhawaysay barashada Maxamed. Si walba ha ahaate, waxaad mooda inay isu riyaaqeen iyagoo muddo gaaban sheeko telefoon ku eg ku wada hadlay oo aan wali is arag.
Muddo laba todobaad kaddib, sheekadoodu sidii hore way ka soo dhawaatay, kalsooni iyo Isfahan aan la dhayalsan karin ayaa durba soo bidhaamay, si habsamiya oo aad moodo dareen jacayl oo cabsi qaba ayay sheekadii u biyo shubatay, waxaana dhaxmaray isu soo dhawaasho mid waliba midka kale u muujinayo dabacsanaan, sidii xalay oo kale ayay caawana waabarigii kala tageen.
Maxamed waa nin dhallinyara ah, horena waxaa loo yiri rag damac iyo dareen kama dhammaado, wuxuu go’aansday bal inuu si dhaba gabadhan u barto oo uu wajigeeda arko, kaddib haddii sida hadda ay telefoonka uga qancisay muuqaalkeeduna u qanciiyo in uuna ka laba labayn ee soo xerogaliyo oo xillo ka dhigto.
Isla maalinimadii ayuu telefoonka ka wacay, nasiibdaro waxaa ka qabatay qof waayeela, waxaana loogu jawaabay ma naqaano qofka aad sheegayso, Maxamed intuu shakiyay ayuu is yidhi, talow ma lambar qaldan ayaad garaacday, markaasu haddana ku celiyay, balse sidii iyo sil amida waliba canaan ayaa dhagta loo saray iyadoo loo raaciyay maandhow ammaan noo sii lixda lambar.
Dhanka kale, Deeqa lafteedu waxaa galay dareen, waxay ku fikirtay sida Maxamed si la mida, taaso ah inay marka hore ay is arkaan ninkan kaftanka badan eed moodo Abwaan ruugcaddaa ah, is la markaana xikmada iyo murtida caqligu u dheeryahay, waxay go’aansatay haddii uu ka ogolaado isla caawaba inay kulmaan, haddii kalana habeendabe ayna ku dhaafiin aragtidiisu.