Madaxweynaha Somaliland oo markale magacaabay masuuliyiin uu hore u magacaabay

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa markale dib u magacaabay 14 masuul oo uu muddo 3 bilood iyo badh ka hor ah magacaabay, kadib markii shir’guddoonka golaha wakiilladu uu sheegay in ay muddo dhaaftay wakhtigii goluhu ansixin lahaa, dibna ugu celiyeen madaxweynaha.
Wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore, oo waraysi siiyay VOA Somali, ayaa sheegay in madaxweynuhu uu dib u magacaabis ku sameeyay masuuliyiinta lasoo celiyay oo wasiiro ku jiraan, isla markaana uu golaha dib ugu gudbiyay.
Waxaanu yidhi.”Arrintaasi waa dastuuri oo dalku qaab ayuu ku wada shaqeeyaa, dastuurka ayaana jidaynaya qaabka ay ku wada shaqeeyaan, umana aragno wax wayn madaama oo wax ka yar 10 cisho muddo dhaaf ku yimid, isla markiiba madaxweynuhu wuu aqbalay waraaqdii ka timid golaha wakiilada dib ayuuna u magacaabay sida dastuurku jidaynayo”

Wasiirka ayaa shir’guddoonka wakiillada ku dhaliilay in aanu aqbalin muddo dhaafka xeerka furista ururada siyaasada oo la sheegay in uu madaxweynaha agtiisa ku muddo dhaafay, isla markaana uu soo celiyay masuuliyiinta muddo dhaaftay, “Waxa arrinta la yaabka lihi thay in shir’guddoonku tii horena aanu aqbalin tana uu aqbalay”.
Wasiir Koore ayaa ku taliyay in loo baahan yahay in ay wada shaqayn fiican yeeshan xukuumadda iyo golaha wakiillada, oo meesha laga saaro xafiiltanka si shaqadu u qurux badnaato.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker