Xukuumadda JSL Oo dib u dhagax dhigtay Waddada isku xidhi doonta Burco, Oodweyne iyo Hargeysa
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa maanta si dib u dhagax dhigay mashruuca lagu bilaabayo dhismaha wadada isku xidha Gobolada Togdheer, Daadmadheedh iyo Maroodi-jeex.
Waa markii sadexaad ee la dhagax- dhigo dhismaha wadadan muhiimka u ah isu socodka Bulshooyinka gobolada galbeedka iyo bariga Somaliland.
Waddada isku xidhi doonta Burco, Oodweyne iyo Hargeysa oo dhererkoodu dhan yahay 184km, waxa shaqeyn doona 94 gaadiid ah iyo ku dhawaad 400 oo shaqaale ah.




