Safaaradda Mareykanka oo diyaarad Ku Caawinaysa Muwaadiniinta ku Xayiran Somalia ee dhalashada Maraykanka haysta

Muqdisho – Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay shirkadda Ethiopian Airlines kala shaqeysay inay magaalada Muqdisho kasoo qaaddo muwaadniniinta Mareykanka iyo dadka haysta deganaanshaha dalkaas.

Duulimaadkan, oo ku wajahan garoonka diyaaradaha Dulles Airport ee gobolka Virginia ayaa waxa uu baxayaa 14-ka bisha May, isaga oo sii maraya magaalada Addis-Ababa.

 

 

 

Diyaaraddan ayaa waxaa qorshuhu yahay inay qaaddo muwaadiniinta Mareykanka iyo dadka haysta Green Card-ka ee ku go’doonsan Soomaaliya kadib markii duulimaadyada caalamiga ah loo joojiyey sababo la xiriira cudurka Coronavirus.

Dadka doonaya inay kasoo baxaan Muqdisho, oo badankood Soomaali ah, ayaa waxaa laga doonayaa inay ayaga si gaar ah ticket-ka uga goostaan website-ka shirkadda Ethiopian Airlines.

 

 

Sida ay safaaradda sheegtay, waa inay kala goostaan laba ticket oo kala duwan oo hal dhinac ah (One way), oo mid yahay Muqdisho ilaa Addis Ababa, halka kan kalena uu yahay Addis Ababa illaa Virginia.

 

 

Safaaradda waxay sheegtay in adeegan uu yahay sida loogu kala hormaro (first-come, first-serve), oo inta qof ee ugu horgoosataa ay bixi doonaan oo kaliya.

Safaaradda Mareykanka ayaa ku boorisay in cid kasta oo dooneysa inay ka baxdo Soomaaliya ay ka faa’iideysato fursaddan, waxaana ay sheegtay in go’aan kasta oo la isku dhaafiyo fursaddan uu yahay mid ku talo-gal iyo ujeeddo lagu gaaray. Waxay sheegtay inaysan damaanad qaadi karin duulimaadyo kale oo kan xiga mustaqbalka.

 

 

 

Haddii aad dooneyso inaan ka baxdo Soomaaliya, fadlan link-ga safaaradda oo aad ka heli karto link-ga aad ka goosaneyso ticket-ka waxaad ka eegta hoos. Fadlan markaad gasho si fiican u aqri tilmaamaha iyo habka aad u goosan karto ticket-ka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker