Madaxweyne Muuse Biixi Oo Kulan La Qaatay Beesha Warsangali iyo Qodobo Muhiim ah oo ay Kawada Hadleen

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Kulan gaar ah Kula yeeshay Washigton DC Qaar Kamid ah Jaaliyadda Somaliland ee Mareykanka, oo Kasoo jeeda Beesha Warsangali, oo ay Kulankooda Kawada hadlee Arimo Muhiim oo Ku Sahabsan Caqabadaha u Dhexeeya Maamulka Xukuumada ee Xiligan iyo Guud ahaanba Beesha Warsangali, oo indhawaale is-afgaranwaa Badani dhexdooda ahaa Marka Loo nisbeeyo Arimo badan, oo ay Qeyb Ka yihiin Ragga Wakhti Xaadirkan Beeshaasi u Matela Golaha Xukuumadda.

Xubnahan, Kulanka la Qaatey, Madaxweynaha ayaa, si aad ah uga Hadley Saamiga ay Beesha Warsangali hore ugu laheyd, Somaliland iyo ismaandhaafyadii soo kala dhex Marrey, oo Arimo muhiim ahi kujiraan iyagoo Jaaliyaddan Qeybta Kulankan Gaarka ah la Qaatey, at Madaxweynaha Tabashooyin Baddan u Gudbiyeen, Kuwaas oo ay kaga Xigawarameen, in gaabiska iyo isfaham Waagiu dhacey, at Sabab u ahaayeen Wasiirka Qoyska iyo Arimaha Bulshada Mustafe Godane, oo Xaqiiqdii Ka gaabiyay Doorka Siyaasadeed iyo Saamayntii at Beeshu Ku laheyn Golaha Xukuumadda Labadaba, iyo Waliba Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin oo ay Kaga dacwoodeen Faragalin uu Beesha Ku Hayo, dhinaca Xukuumadda.

Gabagabadiina Kulankaasi, oo Kusoo dhamaaday is-afgarad, Waxey Madaxweynaha uga Mahad celiyeen, Sida uu u qadariyay iyo Wakhtiga uu iyaga Siiyay iyo Guud ahaanba Balanqaadyada uu Sameeyay in Arimo badan Lagu Xalin doono.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker