Madaxweyne Biixi Oo Maanta Dalka Ku Soo Laabanaya

Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa inuu maanta ku soo laabto magaalada Hargeysa, ka dib socdaal qaatay saddex habeen oo uu ku tagay dalka UAE.

 

Ma jiro wax war ah oo laga hayo ujeedada socdaalka Madaxweyne Biixi iyo weliba masuuliyiinta uu la kulmay, laakiin warar   ayaa xaqiijiyay inaanu jirin war la isla dhex marayo oo sheegaya inay dalka UAE ku kulmeen Madaxweyne Biixi iyo Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Deni, “Ma jiro kulan dhex maray Madaxweyne Biixi iyo madaxweynaha Puntland.” Sidaas waxa xaqiijiyey  ilo xogogaala.

 

Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Deni ayaa la sheegay inay isku gaadheen dalka UAE, laakiin lama oga in socdaalkoodu ahaa qorshe ay dawladda UAE doonaysay inay ku kulansiiso labada masuul iyo in kale.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker