Warsaxaafadeed ay soo saareen odayaasha musdambeedka jaallidaha reer Somaliland ee deggen carriga ingiriiska

Bismillaahi Arramanirraxeem.

Dhammaan ummadda reer Somaliland iyo warbaahintooda waxaanu idin leenahay Asalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh

Warsaxaafadeed ay soo saareen odayaasha musdambeedka jaallidaha  reer Somaliland ee deggen carriga ingiriiska oo khuseeya nimaan dhul marini dhaayo la, qurbajoog,waayo arag

 

Waxaanu u soo qaadannay murtidaas ah kor ku xusan odhaahda qurba joog waa laba aan is lahayn ta hore waa kelmed carabi ah qurbe meel qariib lagu yahay haddii aynu macnaheeda eegno ta labaadna waa joog ama jooge waa odhaah af somali ah waxaynu ku beddelayna waayo arag sababta oo ah waxay waayo arag u yihiin waxay la soo dhaqmeen ummado badan oo kala dhaqan ah iyada oo aanay ka madhnayn dal tabyo iyo warar joogto ah waxay ka dheraadeen indha garad waana sida ay dumarkeennu murtada ah u yidhaahdeen “allahayooy indhagarad ha noo waayin” aan eegno qofka dalkiisa jooga ee ilaahay wax ku siiyey wuxuu eryanaya nolol maalmeedkiisa ama ay hooya daallan la daala dhacaysa carruur ay waxabarasho u dirtay  dawlad iyo maalmkeeda wakhitba uma hayaan waanata u suuragelisay in xaqii ay dalka ku laheen lagu dul cuno waxaa la odhan kara waxaa ka seexday dalkoodi iyo dadkoodii kuwa la magacbaxay waayo-arag

Talo soo jeedin

  1. In ay waayo-araggu ka shaqeeyaan horumarka dalkooda.
  2. In qolqoljoogguna indha u lahaadaad xaaaladda dalkooda.
  3. In agoonta loo qoro gunno.
  4. In cidda lagu helo afduub ciqaab adag la mariyoin  haddii aan lala ogaynba .
  5. In mujaahidiintii dalka u soo halgamay la maamuuso xilalkana wax laga siiyo haddii xiitaa curyaan yahay wax ku habboon loo magacaabo.
  6. In guriga dalka looga arrimiyo halkiisa loo daayo waayo adduunka lama arag halka dalka laga xukumo oo caasimadda laga saaro waxaa habboon halkiisa dhisme ku wanaagsan laga dhiso si ay madaxwaynaha haatan waddanka taladiisa gacanta ku haya ilaahay ayuu maamulkeennu gacantiisa ku jiraayee mudane Muse Biixi Cabdi ay Sharaf iyo taariikh lama illaawaana ugu noqoto.
  7. In waddanka biyaha la wada gaadhsiiyo gaarahaan caasimadda Hargaysa.

    In la badiyo cabsida Allaah dambiga dulmigana laga dheeraado

    Allaah mahad oo dhan iska leh inoo dooray in ay islaam haanno kuwa doritaankaas ka faaiidaystana innaga dhigo.

    Deeq Cabdi Digale

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker