BARRI YAYNAAN QOOMA-MAYN, CIDDA AYNU MAANTA CODKEENNA SIINAYNO.

Inkasta oo nidaamka dimuqraadiga ee aynu qaadanay uu yahay mid aynu ka doorbidnay nidaamyo badan ooΒ  dunida hadda ka jira, hadana waxa muuqata in caqabadaha iyo mushkiladaha aynu ka dhaxalnay ayΒ  yihiin kuwo lugta jiidaya horumar bulsho, mid dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo aynu gaadhno.

Β Waxyaalaha ugu weyn ee dhabaha ka leexiyay hadafkii iyo ujeedadii aynu u aas-aasnay nidaamka doorashooyinka madaxa banaan, wax kow ka ah, afkaarta qabyaaladda iyo siyaasada isxambaarsan ee gayigeenna sida dabaylaha u ruxaysa. Arrintaasi oo udub dhexaad u ah, mushkiladaha iyo kacaa-kufka siyaasadeed,Β  bulsho iyo dhaqaale ee innagu gadaaman.

Hadaba waxa uu maanta qoraalkaygan koobani daarran yahay, sidii aynuΒ  u soo xulan la hayn xildhibaanno iyo masuuliyiin gudan kara shaqada ay u igman yihiin, islamarkaana bulshadoodaΒ  ugu adeegi karaΒ  hufnaan iyo daacadnimo.

Sida aynu ognahay, ummadaha ka faa’iiday nidaamka doorashooyinka madaxa banaani waxay ku bineeyaan,Β  masaaliixdaΒ  iyo danaha ay leeyihiin oo badhax la’. Qofka ay shaqo u diranayaanna waxay ku qiimeeyaan aqoontiisa, kartidiisa, hufnaantiisa, khibradiisa iyo aragtidiisa.

Innagu se, waynu ka duwan nahay oo waxaynu ku qiimeynaa, qolada iyo reerka uu ka soo jeedo. Taasi oo ah, eesha iyo xudunta ugu weynΒ  ee uu kaΒ  xagal-daacayo habsami-u socodka hanaanka dimuqraadiyadeedΒ  ee aynu hirgalinaynaa.

Β Si kastaba ha ahaatee, waxayΒ  xaqiiqdu tahayΒ  in ay maanta inna horyaalaan fursado iyo jaanis dahabi ah ooΒ  u baahan in aynuΒ  si waafiya uga faa’iidaysano, ugana baaraandagnoΒ  cidda aynu codkeena siinayno, si aynaan barri uga qoomamoonin najiidada iyo midhaha ka soo go’a, ficilka aynu maanta samaynayno.

Sidoo kale,Β  qastiga iyo ujeedada ugu weyn ee aynuΒ  doorasho madax banaan ka leenahay waa, in ay shacabku gacantooda ku soo doortaan cid hanan karta masuuliyadda iyo ammaanada loo dhiibayo.

Waa masuuliyad iyo xil inna saaran,Β  in aynu si dheer iyo si dhowba uga fikirno, cidda aynu maanta codkeena siinayno, inaga oo waliba, si ildheeriyi ku jirto u fiirinayna mustaqbalka iyo aayahΓ  dalkeena.

Waa nasiibdarro iyo talo-xumaan innagu habsatay, in aynu maalin walbaΒ  beelaysi iyoΒ  reernimo ku keeno, kuwii ugu liitay, ugu aqoonta liitay, ugu aragtida liitay, ugunaΒ  musuq-maasuqsanaa. Sidoo kalena aynuΒ  doorasho kasta ka dhaxalno uurkutaalo iyo niyad-jab.

Ugu denbeyn, waxaan ku talin lahaaΒ  in aynu qaadno seddexdan talaabo ee soo socda;-

1)talaabada koobaad; waa in aynu bulsho ahaan garwaaqsanaa, in aanay kada-loob iyo fadhi waxba innoogu hagaagaynin, islamarkaana ay daruuri tahay,Β  in la abaabulo bulshada qaybaheeda kala duwan, laguna dhiiri-galiyo in aanay beeluhu soo xulanin, cid aan ehel iyo aqrab u ahayn, xilka iyo masuuliyadda loo dhiibayo.

2) talaabada labaad; waa in xisbiyada lagu cadaadiyo in aanay ku darin liisaskooda xubnaha uga Β  qaybgalaya doorashada soo socota, shaqsiyaadΒ  Γ an la hayn astaamihii iyo shuruudihii looga baahnaa qof u adeegi kara bulshadiisa.

3) talaabada seddexaad; waa in aynu dhexda u xidhanaa sidii aynu gabi ahaanba meesha uga saariΒ  la hayn qaabkan aynu hadda wax ku doorano ee ah Β  beelaysiga iyo qabyaaladda, si loogu guuro qaab ku dhisan dagmo iyo gobollo.

Cumar Axmed Cali

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker