Abiy Ma Ku Qancay Sharaxaada Soomaliya Ka Bixisay Taageeradii Masar Ay U Fidisay?

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo shalay magaalada Addis-Ababa kula kulmay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa kala hadlay xiisadda ka dhalatay go’aanka ay Soomalaiya ku taageertay Masar.

 

 

Soomaaliya ayaa ku biirtay Qaraar ay Jaamacadda Carabtu ku taageertay Masar oo aad uga soo horjeedda biyo-xidheenka ay Itoobiya ka sameyneyso webiga Nile, oo ay u aragto halis ka dhan ah biyaha Masar oo 90% laga helo webiga.

 

 

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa Abiy Ahmed gaadhsiiyey farriin uu ka siday Madaxweyne Farmaajo oo ahayd in Taageerada Soomaaliya ee Qaraarka Jaamacadda Carabta Aanay  Villa Somalia waxba ka ogeyn, balse uu ahaa Go’aan u gaar ah wasiiru dowlaha Arrimaha dibedda Cabdulqaadir Axmed Kheyr, oo Soomaaliya Ku  matalayay kulanka.

 

 

Waxaa jirta siyaasad horey loo dejiyey oo ay isla qabaan Dalalka Jaamacadda Carabta, oo ah in qadiyadda mid ka mid ah dalalka xubnaha ka ah Ururka si toos ah loo Taageero, taasi oo keentay in wasiiru dowlahu uu go’aan qaato, isaga oo aan la socodsiin Villa Somalia.

 

Abiy Ahmed ayaa ku qancay sharaxaadda Soomaaliya, isaga oo sheegay in taageearada Soomaaliya ee Masar aysan dhaawac gaarsiin karin Itoobiya, hase yeeshee uu doonayey inuu heysto taageerada dalalka Geeska Afrika oo dhan.

 

 

Ma cadda in Abiy uu si dhab ah ugu qancay sharaxaadda Soomaaliya iyo inay afka un ka tahay.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaan lumin karin taageerada Itoobiya, maadaama uu u baahan yahay in ciidankeeda uu adeegsado dagaalka uu kula jiro maamul goboleedyada dalka.

 

 

Ciidamada Itoobiya ayaa horey loogu adeegsaday maamulka Koonfur Galbeed. Waxay sidoo kale ku sugan yihiin gobolka Gedo, ayada oo horey loogu fashilmay in loo adeegsado maamulka Jubaland, maadaama ay Jubaland taageero ka haysato ciidamada Kenya, oo Itoobiya aysan dooneyn inay isku dhacaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker