SOOL MAXAA KU DHACAY?!

gobalka sool ayaamahan waxa taagan xiisado colaadeed iyo kacsanaan.
MAXAA SABABAY?
ka dib doorashadii madaxtinimo ee Somaliland ka dhaday waxa madaxweyne noqday Muuse Biixi Cabdi oo ay dadka reer Sool shaki iyo xasaasiyad ka qabaan ayagoo ka duulaaya taariikhdiisa iyo hadalo nacayb ka muuqdo oo uu meelo badan iyo marar badan ku tiraabay.
Iyada oo shakigaas iyo kalsoonidarro badani jirto ayaa arrinta waxa sii murgiyay talaabodii koobaad ee muuse qaaday gaar ahaan gobalka Sool waxay noqotay talaabo ciidan(qabsashada Tuko-raq) arrintan oo dadka deegaanku u arkeen inay marag u tahay shakigii ay qabeen.
Dhanka kale Xukuumadan cusub waxay bedeshay siyaasadii hore ee lagu dhaqijiray gobolka Sool oo ahayd Nabad, tanaasul wadahadal iyo sabaalayn, waxayna ku bedeshay xoog iyo qalafsanaan, halka dadka loo magacaabay gobolka ee xukuumada ugu jiraana aanay lahayn wax saamayn ah.
DADKA REER SOOL MAXAY KA AAMINSANYIHIIN MUUSE BIIXI?
markaad la sheekaysato dadka reer Sool ayna kuu daacad waramaan waxay kuu sheegayaan in Muuse yahay nin cunsuriyad reernimo ka dhadhamayso, markabana waxay kusoo hal-qabsanayaan kalmado muuse ka soo yeedhay munaasabado kala duwan.
MUUSE MAXUU KA AAMINSAYAHAY REER SOOL?
 Muuse Biixi reer Laas-caanood waxa uu u yaqaanaa  FAQASH KA HADH iyo SHISHEEYE sida ay hadaladiisa ka dhadhansadeed reer Sool.
MAXAA UU SALKA KU HAYAA QORSHAHA XORAYNTA GOBOLKA SOOL EE AY WADO PUNTLAND WAQTIGAN?
dhaqdhaqaaqa ciidan iyo weerarada Puntland waxa waqtigan kusoo beegan, waxa  u muuqatay fursad ay ka Faa’iidaysan karaan inay gacantooda kusoo celiyaan gobalka Sool.
Fursadaas oo ah kala-qaybsanaanta gudaha bulshada Somaliland iyo Taageero xumada madaxweyne Muuse, gaar ahaan gobalka Sool.
MAXAA XAL AH SI DEGANAANSHO LOOGU SOO DABAALO GOBALKA SOOL?
si deganaan iyo nabad loogu soo dabaalo gobalka Sool loogana fogaado isku-dhacyo danbe iyo nabadgalyo-xumo baahda waxa lagama maarmaan ah:
1. In ciidamada Somaliland dib looga soo qaado Tuko-raq si nabad ah inta xaaladu ka degayso, islamarkaana aanay aagaas soo galin wax ciidan ah oo Puntland ahi.
2. In Puntland dhankeeda joojiso durbaanka colaadeed iyo kicinta bulshada, la iskuna yimaado miiska wadaxaajoodka.
3. In xukuumada Somaliland soo celiso siyaasadii furfurnayd ee lagu dhaqijiray gobalka ee ku salaysnayd nabada, wadahadalka iyo isqancinta, lana joogiyo xooga iyo cabudhinta.
4. In gobolka loo diro, loona magacaabo dad sumcad ku leh bulshada dhexdeeda oo loo soo istaagayo.
5. In madaxweyne Muuse Biixi la heshiiyo bulshada gobalka kana qanciyo waxa ay ka tabanayaan.
6. In bulshada gobalka la gaadhsiiyo waxqabad dhab ah oo la taaban karo gaar ahaan adeegyada aasaasiga.(reer Sool marti maaha).
7. In bulshada gobalku iskuduubni kaga hortagto colaadaha la hurinaayo.
Ugudanbaytii, Bulshada ku nool gobalka Sool waa inay ku baraarugaan in cidda colaada ku khasaaraysaa  ay iyaga tahay, kuna faro adaygaan nabadooda oo ah badbaadadooda.
NIN DAN LEH DADKIINA YUU GUBIN.
Mohamed Hussein (Samodoon).

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker