Nin doonayay in uu iibiyo carruurtiis oo la xidhay

Aabe doonayay in uu iibiyo saddex carruur ah uu dhalay oo kamid dadka Albino ee uu maqaarka cas yahay ayaa lagu xiray dalka Moazmbique xilli uu ku gorgortomayay qiimaha uu ku iibin lahaa carruurtiisa, sida ay sheegeen booliska.

Ninkan iyo walaalkii ayaa lagu xiray gobolka dhaca galbeedka Mozambique ee Tete.

Dadka Albino ee maqaarka jirkoodu cas yahay ee dalka Mozambique ayaa la dilay iyadoo jirkoodu la adeegsanayo arrimo dhaqan diinta la xiriirta ah.

Afhayeenka booliska Luciano da Câmara ayaa sheegay in labo qof oo lagu waday in aabaha ay carruurta ka iibsadaan la xiray.

Wuxuu intaa ku daray in saddex carruurta oo ay da’doodu tahay 10, 13 iyo 16 jir laga soo qaaday gurigooda isla maarkaana la afduubtay si looga iibiyo ninkaas.

“Waxaa carruurta la doonayay in lagu iibiyo $39,100 oo doolar” sida uu sheegay afhayeenka booliska.

“Waxaan qaadnay tallaabo, waxaa na loo xaqiijiyay qorshaha lagu iibin rabay carruurta” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

BBC

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker