XAMAR IYO HARGEYSA OO TIXO CUSUB ISUGU JAWAABEY.

SOMALILAND

 

Tixdan gabayga ah waxaa dhowaan duubay nin taageero weyn u haya maamulka Somaliland. Xilligii maansada la allifey ii ma cadda, laakiin mar dhow in Youtube la geliyey waxaa laga garan karaa yaraanta dadka daawaday. Ninka maansooday magaciisu meesha ku ma duubna, mana uu aha nin aan hore muuqaalkiisa u arkay oo caan ah.

Gabaygu waxa uu ka hadlayaa shallayto laga qoomamoonayo midnimadii soomaalida ee 1960 iyo maagis wax laga sheegayo maammulladii Soomaaliya soo maray xilligii ay dowladdu waddanka oo dhan ka shaqaynaysey. Waxa kale oo uu ka sheekaynayaa dagaalladii dhex maray SNM iyo kacaankii oo loo ekaysiinayo in ay SNM u halgamaysey xornimada Somaliland. Maansada inteeda badani waxa ay ku saabsan tahay taageero iyo ammaan xad’dhaaf ah oo ku jeedda maamulka Hargeysa iyo dhalliillo iyo duritaanno loo soo jeedinayo cid kasta oo maamulkaas si uun wax ugu diiddan sida warbaahinta iyo mucaaridka.

Macnihiisa gabay waayadaan, waan ka maarsadaye
La ma maqal codkaygiyo tixii, miigganaan jiraye
Kolkol baan mayiigtaa siduu, maangalku ahaaye
Markay se arartu ii muuqataan, miraha saafaaye
Maandeeq dhibkay soo martiyo, milayga taariikhda
Intay mag iyo dhaxal joogsatee, murugo soo taalley
Inta lagu marriin tiray nin aan, maali garanaynin
Inta ay mallooli u dhaxdey, maraqa dhaaryeysey
Intay magac qabiil sheegatee, rag isku maandhaafay
Majaroorka laasaha intay, miile ku hungowdey
Mirdow iyo dallaaliin intii, cadow ku meel gaadhey
Madiix ololka Gaydhoy intay, mirayo soo daaqday
Yaa maali jirayey intay, muusannow gelisey
Mahiigganaha duullaan intuu, maydal ku harraaday
Muqloleeddo gaadaha intuu, col isku maageeray
Maryo dhiig leh xaajadu waxay, galabba meel joogtey
Mayal adag majiiriyo dagaal, la isu mari waayey
Marraaq iyo dhuxulo qiiqayiyo, miino iyo kaare
Mataan labo kun oo baac jirtaa, mooska loo dhacaye

 

Ma martiyo asaaggiis ninkay, wax u maluubaane
Mermerkiyo qalqalahay gashaan, Mura ka soo saaray
Magoolkiyo barbaartay qabtee, Mayra ku hagoogtey
Inta mayraqeediyo garbaha, madax ka soo jeedda
Makallaha intay kaga dhacday, madhanta naafaysay
Inta wadar mageydiyo carruur, mooro lagu duugey
Muska waxa agoomo u hurdee, mudanihii waayey
Malyuun iyo nus baa aawadeed, Maahir loo dilaye

 

Intaan magaca Soomaaliweyn, muhasho goobaayey
Midnimiyo walaalnimo kuwaan, meerto ugu geeyey
Mahadhiyo gef bay igu ahayd, muxubbadaydiiye
Miciinlaaweyaashii ibaha, maarta kaga gooyey
Sidii reer Mangooliya kuwii, maatada xasuuqay
Murtadkii Ilaah nooga ray, Muusiliiniga’e

 

Ka madh weyn milgaha dowladnimo, muuno reer hebele
Ka madh weyn milgaha dowladnimo, magacyo beeleede
Anaa mudan anaa reer Mullaaax, maqaddinkoodii ah
Ka madh weyn malaaq iyo suldaan, mooye loo tuma’e
Ka madh weyn madhiiqiyo ninkaan, maamulka aqoone

 

Wax badan baan Muraasey lahaa, wiil nabsow maqane
Ilaahay ducada wuu maqlaa, muumin leeyahaye
Mariiqa iyo naafkii ka guur, dirirki Mowliide
Mareeg caafimaad iyo haldoor, buu miskeekiyaye
Masiirkeedu wuu laacayaa, Maxamed Baashowe

 

Rag la miiray madax caaddiliyo, oday madhaafaan ah
Maqo doog leh waa kaa ku furay, macallinkeediiye
Waa kaa markaha loo culay, godoshey Mayhiige
Marsadii xidhnayd waydinkaa, moosinka u furaye
Qasnaddii madhnayd waydinkaa, maal ku soo shubaye
Waa taa maxkamaddii cadliga, loo miskaansadaye
Maskaxdiyo garaadkii fayow, baa markhaanti ahe
Malmalleyteyaal baan arkaa, muran ku xeeldheere
Ninba wuxu mutaystaa hadhow, lagu majeertaaye
Ha masuugin taariikhdu waa, shay maguurto ahe

 

Mihiiggaanka roobkiyo cirkoo, mayayga sii daayey
Mareerkiyo casuurada baxdiyo, moolka faraqaystay
Matoorrada biyaha jiidayee, muuska lagu beertay
Mudka iyo candhada xooxisay, maqashu nuugayso
Masna curatay qaar baa ka jecel, man iyo dhaameele

 

Millateriga kaymaha sidii, aarka miranaaya
Macrakada difaaciyo dablaha, maagniska u taagan
Minjirro iyo gaashaanleyaal, hagaya miidaanka
Janannada garbaha muujiyee, sugaya maarshaalka
Muraaqooday Dheegow sidii, maalintii Badare

 

Culimada minhaajkiyo sunnaha, Mowle ku hadeeyey
Munkarkiyo xumaan reebistay, marisay awqaaftu
Madaxweyne lagu soo hirtoo, xil iyo miisaan leh
Milicsiga qorshaha dowladnimo, maamulkiyo xeerka
Ka mid noqotay Soomaalilaan, miiska nabadeede

 

Mustawaha la joogiyo warkuu, Malakhad sheegaayo
Masayrka iyo yooyootankiyo, mulac ka sheekaynta
Kuwa muutamuutaynayee, debedda meeraaya
Macaanjecesha guurguurtayee, malafsigii weydey
Afmariidleyaashii sidii, macange boobaayey
Mindi bay la uugaamayaan, miciyo dheertiiye
Munaafaqad la buunbuuniyiyo, ficil la maydhaamo
Maqaalkiyo wargeysyada waxaan, jirin maleegaaya
Ragga weli maryaha tuurayow, adiyo maankaaga
Mashaqay la doondoonayaan, mahurtadeenniiye
Muraayadaha laga caytamay, garasho moodeene
Waad illowdey moogow halkii, Seenyo loo maraye
Margashaan gacmaha kaa hayaa, meel xun ha isdhigine

 

Mashaariicda guud iyo qorshaha, loo mitibinaayo
Masaafada waddada Ceerigaab, maydigiyo fooxa
Mabsuud buu ka yahay reer Sanaag, maalka loo huraye
Malguduudka buur Daalo iyo, Mirishi guudkeeda
Marjaafkiyo xabkaha qaaliga ah, mayradiyo suufka
Miroodka iyo dooxooyinkii, maydabtii geela
Mahdigii Suweys bay u tahay, dhiidha reer Bariye
Marmarkiyo garoomada sidii, Moosko la xiddeeyey
Macdantiyo jidhaamaha sidii, malabka ceegaaga
Mallayga iyo beeraha dalkaa, loo mintidayaaye
Ninka meelo kale dhawrayoo, maqani yeelkiiye

 

Waxba yaanan hadal waa margiye, sii mardaadiyine
Maratoonka lagu sii socdiyo, moralkiyo guusha
Malkataye ninkii raacayow, moodharkii socoye

 

MAJIIRE

Tixdani waxa ay soo baxday 16-6-2019, waxa ayna jawaab u tahay tixda ka horraysa. Curiyaha tixdu waxa uu aamminsan yahay midnimada ummadda soomaaliyeed, laakiin maamul gaar ah oo uu taageersan yahay ma uu jiro, loo mana baahna in tixda faallo dheer laga hor mariyo oo iyada ayaa tixdu isfasiraysa.

 

Haddaad maahir tahay oo dadnimo, Eebbe kugu miiso
Mudmud iyo faduul gabayga waa, laga la maagaaye
Magac xumada iyo ceebta waa, la iska moosaaye

 

Dadka mu’allifiinta ah wax baa, laga minguurshaaye
In kastaad mastuurto sarbeeb, aad u midabbaysay
Ninka meerisyada curiyayow, waan ku maangarane

 

Mingis ruux qabaa waa in uu, mowlac jiifsado’e
Adiguna muxtaaj baad u tahay, talo maqaan weyne
Malluugaha caqliga waa in aan, kuu miyiriyaaye

 

Ninkii lagu mannaystoo Rabbigi, uu murti u dhiibo
Mujtamaciisu dhaxal uu ka tegey, dib ugu maahmaahye
Ma dhintaan abwaannaduye way, madax qarsoomaane

 

Malabku u ma dhaco sida dawada, loo muddayn qora’e
Haddii mudane Cali-Dhuux xabaal, lagu madoobeeyey
Isagoo guyaal mootan buu, ina dhex muurrayne

 

Nin mutaystay tixihiisu waa, xaajo madaleede
Machaddiyo waxaa laga tirshaa, goob masaajid ahe
Madxaf kaydki iyo waxay galaan, hawl maktabadeede

 

Madaddaalo iyo wuxu noqdaa, maadda faraxeede
Marfishyadiyo waa laga qoslaa, heel makhaayad ahe
Mastaraddiisa ruuxii hayaa, maylal buu jarine

 

Metelaad riwaayad ah dadkoo, goob masrax ah jooga
Fanka muusigga ah ereyadoo, lagu marriimaayo
Muunaddaasi waa ina abwaan, meheraddiisiiye

 

Masuuliyad ninkii garan karaa, lagu majeertaaye
Duul xil iyo miisaan leh oo, mudan asluubteedu
Majin qaad ah ku ma doorsadaan, male’awaal weyne

 

Mirahaaga kowaad haddaan, mayddiga u fooxsho
Mustacmaradda reer Yurub markii, milifka loo qaaday
Midnimada qof nacay wuxu ahaa, muudal daallin ahe

 

Muqdishiyo Hargeysaba bulshadu, way mashxaradeene
Allebari madhuudhaa la qalay, muufo loo dubaye
Munaasibadda kowdii bishana, laysu muxubbooye

 

Dadka marinhabow iyo ma helin, madalhuf beeneede
Meermeer shallaytiyo ma jirin, murugo dhiillo ahe
Guul iyo mu’tamir fiican baa, loo musbaax shidaye

 

Muraayado iswada daawadoo, la la mabsuudaayo
Haddaad muran ka soo celisey waad, macangagaysaaye
Marina mahayo hadafkaad waddaa, ruux muwaaddin ahe

 

Goortii midayn iyo xornimo, laysu midig qaaday
Mukhlis Aadan madaxweyne noqoy, maalinkii xigaye
Murashax suubban iyo wuxu ahaa, muumin daacad ahe

 

Mudeec noqotay soomaalidoo, madaxbannaanayde
Maslaxaddii dimoqoraaddigay, wada maggawsheene
Marwo iyo rag codadkoodi baa, loo mareeg dhigaye

 

Dal maciishad xumi tabasho wuu, magansanaayaaye
Mindhicirkiisu wow dooxan yahay, maliyo reer reere
Musuqmaasuq iyo cabasho way, nagu milnaayeene

 

Iyadoo miftaaxii xornimo, maalmo laga joogo
Inqilaab miskiinaad dalkii, kaga masayrteene
Marxabbana ma oran shacabki aad, mukharbudayseene

 

Muddac iyo shallaytooyin baad, wada maliisheene
Mandiqiinnu waa tuu ahaa, mooral xumadiinna
”Mansab fiican iyo na la ma siin, jago mushaar weyne”

 

Qabiil murugsada taagayiyo, reer manfaco doon ah
Masruuf gaar ah ka ma heli karaan, sidigta Maandeeqe
Mutuxnaanta iyo ceebta waad, muruxsanaydeene

 

Lix sano oo murkucasho leh markii, Aadan la la maagay
Marxaladdii labaad doorashaa, loo maxaabsadaye
Milic duhur ah waa tii Rashiid, miiska loo dhigaye

 

Goortii miniisteer Cigaal, madaxa loo saaray
Mid yar iyo mid weyn dowladdaad, mahadinayseene
Munnaarado if dheer waydinkii, moodey nimankaase

 

Mudnaan bay lahayd dowladnimo, mawqifkii hora’e
Mallooli u ma dhixin iyo nin aan, maali garanayne
Sagaal sano rag miilaysan baa, noo midiidimaye

 

Murjuc xalay dhashoo la la ummulay, hay malaynina’e
Millaterigu goortuu qabsaday, muruqna noo sheegtay
Taageero mooryaansan baad, ugu miciinteene

 

Goortay muquunsheen dadkoo, mooro lagu ooday
Majaraha kolkuu ina Siyaad, nagu maleegaayey
Nimankii mucaaradahayaad, wada malgayseene

 

Maamuuska golihii saraa, ku la macaanaaye
Jaajuus malcuunaa ahaa, maqaddinkiinniiye
Matoorkii kacaankaad ahayd, waad se mihateene

 

Mubaax ma aha reer in ay noqdaan, duul munaafaq ahe
Mintidkii dagaallada markii, la isku miinshaaray
Oo miiqiddii ina Siyaad, loo mindiyo qaatay

 

Maaweelo iyo been ninkii, maahsan baa jecele
Mabda’aas raggii ugu hor maray, daal la macaluulye
Marsadii Berbera jeer danbay, madaxa taageene

 

Mudug iyo Nugaal baa ahaa, duul marsoobax ahe
Mataanaha waxaa jaray Siyaad, mowjaddii Bariye
Iyagaa markaas kuu ahaa, mu’addinkaagiiye

 

Dhabbad meeleheedii markuu, dhiiggu mulacyeeyey
Meegaarka Yeedeed kolkii, laysku maro xooray
Malkadii Goldogob maalintuu, meydku tiro beelay

 

Mixnaddii colaaduhu markay, Dogob muquufaysey
Oo Beyra mootaaye iyo miino ololaysey
Misko jabani goortay bateen, mayti iyo dhaawac

 

Muska Goroyocawleed markii, mootarku isdhaafay
Mu’aamarad shirqoollo ah markii, loo maddane qaatay
Muqmaddii sumaysnayd kolkay, madaxdu daaqaysey

 

Mataraariyiyo xeel markii, laysu mari waayey
Waa taad marduuf jaad ah iyo, maraq dalbayseene
Ragna kuugu maansoonayeen, mayraq iyo fuude

 

Mushtarkii Hargeysaad kolkii, la isku maandhaafay
Mingistaad u gudubteen intaad, niman is mooddeene
Muwaafaqana la ma dhigan raggii, sii maqnaan jiraye

 

Minweyntiyo minyaraday cuqdadi, meel xun kaga taale
Mitirraad ka durugteen raggii, mahurtada ahaaye
In aad gaar isugu miiranteen, cidi ma moogayne

 

Madagtiyo dabkii ay shinbiri, maalin qura qaaddo
Mundulkeeda iyo waxay ku gubin, minanka keeda ahe
Is maqiiqiddii waxad cunteen, mawistiinniye

 

Magaalooyinkoodiyo halkii, maatadu u joogtey
Marrey dumar dhexdood bay dagaal, ku la maryaadeene
Madfac bay kacaankuna sidii, miro u daadsheene

 

Iyagoo gacmuhu maran yihiin, moodka iyo noolba
Ayey magan Allaysiga xadkii, marid ku dhaafeene
Masaggo uu amxaar qaybiyey, mooye tumayeene

 

Madaxtooyadii Xamar markuu, qiiqu mulufaaday
Kacaankii maddiidada kolkii, laga masaafeeyey
Idinkoo madluumaad dalkii, dib u maraaddeene

 

Macquul laga ma sugo duul hadday, ciil matagayaane
Madhalaysyo go’itaan wataa, sii macaamilaye
Ku meerayste shacab aan caqliga, mudac u daabnayne

 

Mugdi bay gesheen duulal aan, garannin mowduuce
Maandooriyey daajiyeen, maxasta reerkaase
Manqas in ay ku goostaan dhulkii, loo muddaharaadye

 

Manhaj diradire ah baad bulshada, ku la dhex meertaane
Malcamaddiinna ruuxii dhigtaa, maafish buu noqone
Mariid iyo sun baad beerateen, ku na marqaanteene

 

Dadka mohorad sibiraad indhaha, kaga malaastaane
Miyigii fidmaysiyo dadkii, madaniga ahaaye
Malaayiin ka badan been intaad, ugu madiixdeene

 

Cuqdaddiinnu maanyiyo ka weyn, badaha moolkoode
Misna waxa ka daran cabashadiyo, muusannowyada’e
Soddon sano kacaan sii maqnaa, yaad is maaxdumine

 

Moodaad ka dhigateen catow, mahadhadiisiiye
Maqbaradiyo xabaalaad fagtaan, sida majuustiiye
Marxuun loo baroortaan cidnaba, magi ka raacayne

 

Dadku way ka maarmeen dacwado, aan macne lahayne
Maxkamadaynta Cali Samatar iyo, Moorgan daba joogga
Walle waa mandheer ceeb ahoon, idin ka mayrmayne

Ruux baa mujaahid ah cid kale, ku ma mashquulaane
Idinkuna martabadaad surtaan, fule masuuge ahe
Malaa’iigti Beder soo degtaa, la idin moodaaye

 

Jabhad beri is miidaamisaad, muhimad siisaane
Mucjisaad ka yeeshaan dad aan, sidin macluumaade
Maangaabni iyo been nafluhu, ka ma macaashaane

 

Khasab lagu ma maamulo dad aan, maragfur kuu hayne
Rag maalkiinnu ka la soocan yahay, loo ma sii mabo’e
Maggaad Sanaag u la tagteen, ma laha maarayne

 

Mataankaaga Sool ma aha iyo, mayrax kuu dabane
Mujrim bayna kuu wada arkaan, aan mufti ahayne
Buuhoodle waa mucayin aan, loo muxaadarine

 

Maqaarsaar rag ka ma yeelayaan, macal cunkiinnaase
Waa niman maqaawiir ahoon, meerin loo dhigine
Minbar u ma fariistaan nin ay, meher ka qaataane

 

Mukulaalo ka ma soo qoslaan, meel libaax galaye
Matoobbada rag u ma ruxi kartaan, mulacyadiinaase
Ma mukhaadaraad baad cunteen, waysku murugteene

 

Malaaq iyo rag boqortooyo laad, macalgadaysaane
Mardimaa ku yaal halaqa aad, aga maraysaane
Malmaluuqa meenta ah waxaa, burinnin miiddiiye

 

Mustaqbal iyo guul laga ma sugo, milix dhan reeroode
Muwallad kuu ma joogiyo dhulkaas, ruux musaafir ahe
Maruuryadiyo waa laga ilbaxay, malabsigiinniiye

 

Mugga waxay dadaal ugu jiraan, tii milgo ahayde
Mudka idaha nimanyohow liqaa, talo ma meelayne
Muraajaco ku noqo duulku wuu, kaa mug weyn yahaye

 

Tuug muluq in uu kaa dhigiyo, muudsi ku la doonin
Muurmuursigooda naqaan, mooto raacyada’e
Muushaalli na lagu ma sabiyo, marax caloolaye

 

Muhiim iyo wixii toosan baa, noo munaasib ahe
Mirjin maysid niman kaa gol roon, mooyi saad tahaye
Miski baan ka urinnaa annagu, meereyaal sara’e

 

Macdan suubban iyo waxannu nahay, sida magoolkiiye
Meeqaan dulqaad kuugu jirey, miciyo dheerayde?
Mindhaa waxad u filin in an ka jabay, moxogga duudka ahe

 

Sida maydabtii baad istiri, maalis ugu duule
Meerana ku xeer sida yaguud, kuu mulkay noqone
Millad ma laha duulkii sidii, muuska loo cuna’e

 

Mooshinkii la soo dhaafyey iyo mirirradaadiiye
Martina u ma ahayn adiga iyo, tuug masaa’ib ahe
Macrifaan u leeyahay ninkii, harag magdeeye ahe

 

Ma maldihin warkee gobannimaan, kuu macruuf falaye
Maar iyo dhagxaan kaa ma rabo, maaddi aan gado’e
Moxor beeyadiis ma nihin iyo, sida mareerkiiye

 

Mad’habkaaga duullaamadii, miracas noo qaatay
Margashaa ku soo fool leh iyo, malakamowdkiiye
Weligeed majiiraha danbay, guni marjowdaaye

 

Maqaaxidatan Jeegaanta oo, lagu majnuunoobey
Marmarsiinyo hadalkoodu waa, marashi naagoode
Dekeddiyo madaarkay gadeen, waa mamnuuc qarane

 

Manidii awowgood bar baa, laga marshaystaaye
Iyagaa tolkood uga murbaxay, sida masaamiire
Waxay toos u ka la mookhaleen, magac wadaagtiiye

 

Mandiilaa ka jira reer dhexdiis, oo markhaanti lehe
Xukun qolo mohoobbideyna wuu, ka la marooraaye
Rag baa macasalaameeyay oo, aan maqsuud noqone

 

Mucaawinada labo qoys un baa, maaxda dhaansada’e
Waxba ha is marmarin dooddu waa, labo makhaasiine
Maroodiga kuwii sheegtay way, garab marnaadeene

 

Maddarad buu rag haystaa siday, wax u maroojeene
Marjicii walaalkiis ninkii, sida mas eedeeyey
Makhluuq kale waxay sugahayaan, been makaanigane

 

Falka Caarre maaminahayaa, waa masalo weyne
Mashinkiyo rasaastuu wataa, waa mashruuc darane
Magaad gadataduu Biixi wadey, maaro laga waaye

 

Magmakeeye qori caaraddiis, in ay ku maarmaane
Macsi dowladeed oo hor lay, sii makiinadine
Kornaylkuna Macbuud buu ku maray, malaha duullaane

 

Macasaro rag loo filay ma sugo, been maciishadane
Mihiiggaan col wuu suubban yahay, mararka qaarkoode
Ma majaajillaa wuxu sitaa, maab dagaalyahane

 

Maarriin casaan laga ma dhigo, been makarafoone
Makhrib dumayna waa laga yaqaan, maalinweyn duhure
Nin manaafacaad lagu siraa, waa mushkilo weyne

 

Majaroor dal aan haysan baad, horumar mooddaaye
Dad mallaariyo u le’anayaad, wax u maguurtayne
Madi naaso weyn iyo adaan, maraq la’ dheelmayne

 

Kacaankii masuubadu markuu, helay masaakiinta
Masacagaleyaal buu ammaan, maqalku saarnaaye
Masawirid waxay ugu jireen, maaddo aan jirine

 

Adiguna metaalkoodi baad, Muuse caabudine
Waana muude reerka u dhacoo, mici ku dhiigle ahe
Adiga muxaafid ahe waa, mirir dhunkaaleede

 

Margi hadalku ma ahee adaa, meel xille u kacaye
Marawaxadda kugu daaran baa, meehannowga leh
Maqaallada ninyohow caayayaa, seegtay marinkiiye

 

Malmal baa laguu qooshay iyo, geed murroo darane
Maddiibado suniyo dacar xun bay, kugu majuujeene
Saxaafadu mashaqo ma ahan oo, waa maskaxo weyne

 

Cabdimaalig Muusiyo raggii, lagu maxaabbiisay
Muuqaal kalay kaa tuseen, maqane joogowe
Masaaliix dad xumi leeyahaa, kuu mashaa’ikh ahe

 

Magnad foolxun buu kaaga tegey, macallinkaagiiye
Majallada wargeyskeennu waa, miradhalkeenniiye
Majaxaabo la la goobayana, way masaabixine

 

Magallooti Dheeg iyo adoo, cuna masaariifta
Waxba muujin maysaan tan iyo, maanta aakhiro’e
Masabbidina maayoo run baan, kuu malkhabadayne.

 

 

Shaafici Xasan Maxamed
Dhalaandhuux@hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker