Daawo Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay Khilaafka Jabuuti iyo Ganacsade Axmed Cismaan Geelle

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay xiisada u dhaxaysa ganacsade Axmed Cismaan Geelle iyo dawlada Djibouti.
Gudoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu si weyn u taageeray ganacsade Axmed Cisman isaga oo xukuumada somaliland u soo jeediyey inay garab istaagto isla markaana xoolihiisa ka maqan la doonto.
Gudoomiye Faysal oo ugu horayn ka hadlaya arinta ganacsade Axmed Cismaan Geelle ayaa waxa uu yidhi “Axmed Cismaan Geelle waa nin caan ah oo laba dhalasho sita, markaa qadiyadiisu waxay u eeg tahay laba miduun, isagu waxa uu leeyhaay anigu waan dulmanahay oo xoolahaygii aniga oo maqan ayaa inta waaran lay jaray markii aan iman waayey lala wareegay, midina waxa weeyaan baanka faransiiska ah ee sheeganaya deynta labadaas arimood hala kala qaado.”ayuu yidhi gudoomiye Faysal oo u waramay HCTV.

Gudoomiye Faysal waxa uu nasiib daro ku tilmaamay in ganacsadaha xoolihiisii lagu dhacay Djibouti aan lala doonin waxaanu yidhi “Xoolihiisa lala wareegay inkasta oo uu reer Djibouti yahay hadana waa nin reer somaliland ahe xaq waxaynu u leenahay in dawlada Djibouti loo tago oo wixii ku kala maqan la dhex dhexaadiyo oo aan la dulmin iyada oo dawladnimo loo sheeganayee, xuquuq ayuu leeyahay ee waa in wixii lagu leeyahay laga qaadaa wixiisana la siiyaa, laakiin in madaxnimo iyo dawladnimo loo isticmaalo waa inagu ceeb, inagana masuuliyad ayaa inaga saaran.”
Sidoo kale gudoomiye Faysal oo ka hadlaya arinta u dhaxaysa ganacsade Geelle iyo baanka faransiiska ah ayaa yidhi “Baanka faransiiska ah waxaanu leenahay maadaama oo aanay na khusayn go’aanka ka soo baxa maxkamad kale, wadankayagu waxa uu leeyahay xaqn waxaad u leedihii inaad diyaarsataan dacwadiina isaguna diyaarsadaa cidii difaacaysay,waana in dalka si cadaalad ah loogu qaadaa kiiskaas ahaahda, laakiin maaha in go’aan maxkamad kale soo goysay la fuliyo.”

Dhinaca kale gudoomiye Faysal waxa uu sheegay in xukuumadu ay ku soo wargelisay inaanu jirin waaran lagu qabanayo ganacsade Axmed Cismaan Geelle waxaanu yidhi “Waxaan u sheegayaa dadka inaan la hadlay wasiirka arimaha gudaha iyo gudoomiyaha maxkamada wax la qabanayo iyo waaran go’an oo Axmed loo gooyey ma jiro.”
Gudoomiye Faysal ayaa sidoo kale ganafka ku dhuftay in maxkamado caalami ah ay isla galaan labada dhinac, waxaanu soo jeediyey in maxkamada somaliland arinta qaadaan “Maxkamad caalami ahi ma jirto, ninkani waa reer somaliland baanka ay wax ka dhaxeeyaan iyo Djibouti waa kala jaad, baanka iyo isagu way xisaabtamayaan oo waxbaa laga rahmay oo daaro laga rahmay ayuu baanku gacanta ku hayaa, markaa waa in taas si sharci ah loo gala.”
Mar kale ayuu gudoomiye Faysal sheegay in loo xoog sheegtay ganacsade Axmed Cismaan Geelle taas oo lala wareegay hantidiisii “Tan kale waa loo xoog sheegtay waana sidii loogu xoog sheegtay DP World oo hadhcad waxoodii lala wareegay, nimankana qaar daahaya maaha oo Axmed Cismaan Geelle-na way laalaadsadeen laakiin taasi socon mayso in nin reer somaliland ah xoolihiisa layska qaataa inaga ayey ceeb inagu tahay, markaa waa in si somalilandernimo ah loo galaa oo odayga loo tagaa laguna yidhaa ma magac dawladeed ayeynu isku dhacnaa, ilaa halkaa hadii uu ina gaadhsiiyo ina Cumar Geelle waxba ma nihin.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker