Dawlada Iiraan Iyo Ruushka Oo Dhoolatus Milatari Kawada Samaynaya Xeebaha Khaliijka

Taliyaha ciidanka badda Iiraan Xuseen Khanzadi ayaa sheegay in Iiraan iyo Ruushka ay ku heshiiyeen in si wadajir ah ay dhoolatus milatari uga sameeyaan xeebaha Khaliijka.

Khanzadi, ayaa hadalkan ka sheegay Axadii shalay kadib dhoola tus ciidanka badda ruushka ay ka sameeyeen magaalada Saint Petersburg.

Wuxuu intaa ku daray in dhoolatuska uu ka dhici doono badweynta Hindiya ee ay Makran gacan biyoodka Hormuz iyo Khaliijka.

Dhoolatuskan ciidanka badda ruushka ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa safiiro iyo marti sharaf kale oo ka socota 20 dal oo ku yaal Caalamka.

Abaanduulaha ciidanka Badda Iiraan Xuseen Khanzadi ayaa intaa
raaciyay in raaciyay in dhoolatuskan uu bilaaban doono dhamaadka Sanadkan.

Heshiiskan ayaa imaanaya iyadoo uu sii kordhayo xiisada milatari ee u dhaxeysa Tehraan iyo Washington.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker