Xukuumadihii Kulmiye ee Siilaanyo & Muuse halkey Cadaalad Daradu ka gaadhay, waa Reeraha qaar Degaan- kooda kolkey shaqaalihii buuxiyeen

Wasaaradaha Dawlada Reera qaar ayaa u shaqo taga oo ah labada Reer ee
Jeegaanta ee Siilaanyo & Muuse ka soo jeedaan.
Tusaale, Airportka Hargeysa Reeraha Deegaanka u dhashay kama shaqqeyaan
ama waashmaan & nadiifiye & Ilaaliye ayey ka yihiin, Wasaaradaha kalana daa
hadalkeed waxa loogu abtiriyaa deegaanka ma tihidin.
Berbera & Galbeedka wajaale cid aan Reeraha u dhashay ahayn looma ogala
oo weliba Jeegaanta uun ah, oo Berbera Ciisa Muuse ayuunba ka shaqeeya
xiita Reerka Muuse Cabdale waa tira yar, calaashaan Garxajis ayaad tihiin.
Xafiisyada & Wasaaradaha Hargeysa waxa laysugu markhaati furey, in Koonfu
rta & Bariga Hargeysa inta ka soo shaqa tagtaa tirsan tahay, Galbeedka & Waq-
ooyiga Hargeysana Dhalinyaradu iyagoo gawaadhi qaaliya wata ay ka soo wada
shaqo tagaan.
Bal Hadaba, Siilaanyo ayaa beeray Qabyaaladaa & Isku dul noolaanshahaa oo
waakii ka xishoon waayey inuu Moorgan uu u sodog yahay Wadankii Gacanta
u geliyo oo Islaantiisii Aamina Weris Xilkii ku wareejiyo oo wasiirada uu adeerka uu aha, Muhnad, Weji Xun, Cali Mareexaan & Cali Raygal & qaar kal-
aba ka reebi jirey isku shaandhaynta.
Sidaas Darteed, Muusana Macalinkiisi Qabyaalada, Cunfiga & Kala dirka S/Land ee Siilaanyo Xaraashe, Qabyaalisste ayuu wadadiisi & tu ka xun uu
raacay, oo Jeegaan & Laba Reer uu ku andacoodey ayaa i dooratey oo aan u
ahay Madaxweyne, oo uu ku taxay.
Hadaba, Muuse Shirkii Garxajis tabashadaa ayaa keentey, oo Beelihii kale ee
S/Land iskuwada raaceen, hadana wuuba ka sii darey oo intaa magacaabayaa
Reerkiisa Xilil uu ku taxay.
Muuse Wadankii oo ku soo wada xidhmay, Hawadii, Cirkii, Badii & Dhulkiiba
oo xiitaa Xajkii lagala wareegay, oo Handaraabkii & Qufulkii Ilaahay u raacay
meel kastaa ku qufulantey, ayaa halkuu Wasiirka Sacad Cali Xilka kaga tirin
lahaa uu hayaay & Cabaad uu doonayaa inuu wax ku xaliyo.
Muuse Cadaalada darada Libaaxyadii Gacanlibaax kaga reemeen sidii Aar
gaydhamay ayuu dhegaha ka furaysanayaa, oo Buubaa & Ina Mire ii doona
igu sawira uu FaceBook geliya xaalkiisu noqdey.
Muusaw Buuba igu sawira & Mire ii doona xaalku ka weyn, ee Libaaxyadii
Buurta G/Libaax korey qodobadii ay kuu sheegeen ka jawaan, Umadii kale &
Beelihii kalana ku raacdey.
Muusaw haku barooran, hayaay ka soo kacay, ee wax ka qabo cadaalad darada
& Cabashada Shicibka intaa qaylyaya.
Wabilaahi Tawfiiq.
Asha Jama

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker