Wasiirka Amniga Puntland Oo Musharaxiinta Amar Kusoo Rogay + Faah-faahin.

Garoowe-(OWN)-Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa waxaa la filayaa inay ka dhacdo doorasho 2019,waxaana halkaasi gaadhaya maalmihii lasoo dhaafay musharaxiin badan oo u taagan xilka Madaxweynaha Maamulka Puntland.

Wasiirka Amniga Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay soo dhaweynayan Musharaxiinta kala duwan ee soo gaadhaya puntland ,isla markaana amnigooda uu maamulka puntland ay mas’uul ka yahay.

Wuxuu sheegay ammaanka Magaalada Garowe in loogu talo galay ciidan gaar ah oo doorashada amnigeeda qaabilsan, sidaasi awgeedna ciidamada gaarka ah ee ay wataan Musharaxiinta inay dhaq dhaqaaqooda yareeyaan.

Wasiirka Amniga Puntland, ayaa sidoo kale sheegay ciidamada ka imaanaya furamaha dagaalka Puntland sida Tukaraq iyo meelaha kale in laga doonaayo iyaga oo shacab inay soo galaan Magaalada oo hubka ay iska soo reebaan.

Puntland ayaa Bisha soo socota ee January la filayaa inay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Maamulkaasi oo hadda diyaargarow wayn loogu jiro.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker