Madaxweyne Uhuru Kenyatta Oo Masaajidka Ugu weyn Kula Afuray Muslimiinta Kenya

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa caawa tegay Masjidka Jamia Mosque ee magaalada Niarobi, isagoo muslimiinta kala qeyb galay afurka isla markaana halkaasi kula hadlay bulshada muslimiinta Kenya.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee isagoo talada haya dalka Kenya Masjid gala, waxaana la guddoonsiiyey kitaab quraan ah, wuxuuna dadka Kenya ugu baaqay inay midoobaan iyagoo aan eegin waxyaabaha kala qeybinaya, wuxuuna sheegay in dowladda Kenya taageero gaara siineynin qeyb ka mida bulshada.

Mr Kenyatta oo uu wehliyey Adan Barre oo ah hoggaamiyaha aqbaliaydda Baarlamaanka Kenya ayaa muslimiinta Kenya ugu baaqay inay la shaqeeyaan dowladda oo gacan ku siiyaan dagaalka ay kula jirto argagixisada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker