Tirada dadka ku dhintay biyo xidheen karkaarka Jabsaday oo ku yaal dalka Laos oo korodhay.

 

Boqolaal ruux ayaa raq iyo ruux ba la la,yahay halka tiro kalena ay dhinteen kadib markii biyo xidheen laga dhaliyo korontada oo ku yaal koonfur bari wadanka Laos uu Qarka Jabsaday.

Biyahaan oo ahaa kuwo xoogan ayaa waxaa ay ku fataheen tuulooyin ku yaal halkaasi iyadoo dadkii ku noolaa ay biyaha ku dhinteen kuwo kalena ay la tageen.

Hey,ada maareynta musiibooyinka ayaa waxaa ay sheegtay in 6,600 oo ruux ay ku noolaa tuulooyin ku dhow biyo xidheenka karkaar ka Jabsaday ay hoy la,aan noqdeen.

Wakaalada wararka ee Lao News Agency ayaa sheegtay in dowlada ay bilowday in doomo dheereya ay ku raadiso dadka la layahay.

Saraakiisha Police-ka ayaa sheegay in ay baadi goob ugu jiraan dad ku noolaa tuulo hoostagta degmada San Sai ee gobolka Attapeu halkaasi oo ah goobta mashaqadu ka dhacday.

Masiibadan ayaa dhacday abaara 8 habeenimo ee xalay waqtiga maxaliga ah ee dalkaasi.

Biyo Xidheenkan laga dhaliyo korontada ee karkaarka Jabsaday ayaa waxaa loo aaneynayaa in biyaha ay dhaafeen cabirkii loogu tala galay taasi oo keentay in uu fatahaad balaadhan sameeyo.

Pauline Caspellan oo u hadashay Hey,ada Red Cross ayaa waxaa ay sheegtay in diyaaradaha qumaatiga u kaca ay u isticmaalayaan badbaadinta dad ay biyaha la tageen.

Wadanka Laos ayaa waxaa uu ka mid yahay dalalka ugu faqrisan qaarada aasiya iyadoo badii dalkaas oo ay wabiyo maraan uu ku tiirsan yahay biyaha laga dhaliyo korontada uu ka iibiyo dalalka ay dariska yihiin.

Hey,adaha u ololeeya dhirta iyo degaanka ayaa horay walaac uga muujiyey biyo xidheenada aan bad qabka laheyn ee dalkaasi

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker