Wasiirka Arimaha Dibada Dalka Qatar Oo Booqasho ku Tegay Magaalada Kaabuul

Wasiirka Arrimaha Debadda dowladda Qatar Maxamed Bin C/raxmaan Althani ayaa booqasho ku tegay Caasimada dalka Afganistan ee Kabul, isagoo Kulamo la leh Hoggaamiyayaasha Taalibaan.

 

Afhayeenka Taalibaan, Suhayl Shahiin ayaa u xaqiijiyey Suxufiyiinta booqashada Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Qatar, wuxuuna xusay inuu Kulamo la leeyahay Madaxa Dowladda Imaaradda Islaamiga ah ee Afganistan, Maxamed Xasan Akhund.

Afhayeenka ma bixinin Faahfaahin dheeraad oo ku Aadan qoddobadii looga hadlay Shirkaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker