” Madaarka Berbera waxaa ku baxday lacageed oo dhan 55 million oo dollar “

Mareeyaha Hay’adda Madaaradda Somaliland ayaa ka jawaabay hadalo xisbiyadda Mucaaradku ku dureen Madaxweynaha Somaliland waxaanu yidhi,
“Mashruuca Horumarinta Madaarka Berbera ee madaxweyne Muuse xadhiga ka jaray waxa ku baxday aduun lacageed oo dhan 55 million oo dollar, oo ay dhamaanteed bixisay dawlada Imaaradka carabtu.
Mashruuca qaradaas leh, iyo horumarka intaa leeg ee umadan u soo kordhay, ayaa shacbiga Somaliland iyo madaxweynahooduba u dabaal dagayeen.
Waxaan arkayaa qoladii mucaaradka oo khudbadii madaxweynaha ka samri waayay, horta Gudoomiyaha Xisbiga Wadani ee cusubi laba jeer ayuu soo hadlay ilaa intii xaflada ka dambaysay, musharaxii xisbigaas odaygii cirona isna waa soo hadlay.
Qaar badan oo kale oo iyaguna wali samri la ayaa jira oo wali hadlaya.
Waxaan leeyahay qolada mucaaradka gaar ahaan xisbiga wadani goolkaasi wuu idinka dhashay, waayo waxaad tihiin oo shacbiguna idiin oghayay xisbigii ka soo horjeeday mashaariicda horumarineed ee Somaliland iyo imaaraadku ku heshiiyeen.
Markaas maanta waa gartiin inaad iska soo daba hadashaan, kol hadii aydaan intood umada hor timaadaan khaladkii aydaan raali galin ka bixinayn.
Siduu sheegay gudoomiye faysal raali galinta cirro qarsoodiga ku bixinayo shacbiga Somaliland ayaa u baahan in la raali galiyo.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker