Haweenay Hindiyad Ah Ayaa Liqday Boqolaal Noocda Dahabka Ah.

Dhakhaatiirta Cisbitaal ku yaalla Gobolka Galbeedka Bengaal ee Dalkaasi Hindiya,ayaa shaaca ka qaaday qalliin ay ku sameeyeen Haweenay 26 Jir,taas oo lagu magacaabo Runi Khatuun,iyaga oo caloosheeda kasoo saaray boqolaal Dahab iyo qadaadiic oo qiimaheeda lagu sheegay 53,000 oo pound.

Saraakiisha Caafimaadka ee Deegaanku,waxay sheegeen in markii ay Gabadhani ay u timid ay ahayd mid Miisaankeedu Daciifay,Dhiig la’aanina lasoo daristay,isla-markaasna Si joogto ah u matagaysay.

Dhakhaatiirta,ayaa waxay mucjiso ku tilmaameen Xadiga badan ee Caloosha Gabadhan ku jiray,waxay sheegeen in ka dib markii ay Iskaan Saareen ay arkeen inay Caloosheeda ay ku jirto  69 Silsiladood oo Dahab ah,80 Dhegood oo dahab ah,46 oo Lacagta qadaadiicda ah,Sideed quful,11 Nooc oo Dahab ah oo San-galis ah,Shan Nooc oo ka mid ah Noocyadda Dahabka ah ee qoorta lagu xidho iyo Hal Saacad oo Dahab ah.

Eheladda Haweenaydan,ayaa sheegaya in ka hor intii aanay Dhakhaatiirtu arrintan ogaan Dahabka waayeen,isla-markaasna marka la weydiiyo inay Dahabka aragtayna ay Oohin ku jawaabaysay.

Wali wax faah-faahin ah laga ma hayo asbaabta ku kaliftay inay Liqdo Xadiga dahabka ah ee intaas leeg.

Waxa la sheegayaa inuu Dahabkani inta ugu badan ay kasoo qaaday  Dukaan weyn oo Dahableh ah oo uu Walaalkeed leeyahay,iyada oo inta kalena ay ahayd Dahab yaallay Guriga qoyskooda.

Hooyadda Inantan dhashay,waxay sheegtay in aanay wax fikrad ah qoys ahaan ka haysan suura-galinimadda inay inanteeda u kacayso falka noocan ah.

“ Inta aanay noo Caydayn Maamulka Cisbitaalka Dawliga ah ee Rampurhat Government Hospital in Caloosheeda ay ku jiraan noocyo badan oo Dahab ahi,waxaanu geynay dhawr  Cisbitaal oo gaar loo leeyahay,balse waxay sameeyeen kaliya daaweyn iyaga oo wax natiijo sugan ah aan na siin” ayaa saxaafadda Gudaha u sheegtay Hooyada dhashay Gabadhani.

Dr. Siddhartha Biswas, oo ahaa madaxa Waaxda qaliimadda ee Rampurhat Government Medical College and Hospital,waxa uu sheegay  in Bukaan-socodku ahaa mid aad u caatoobay,isaga oo aan wax cunto ahna qaadan karahayn,waxaana uu intaas raaciyay inay ugunyadda Dhiiga Cas ee Jidhkeedu aad u hooseeyeen,isla-markaasna ay adkayd in lagu sameeyo qalliin deg deg ah,taas oo keentay in maalmo la baxnaaniyo laguna rakibo Falleenbooyin nafaqo ah.

Hawl-kalka qalliinka loogu samaynayay,ayaa waxa uu qaatay Saacad iyo Shan iyo toban Daqiiqo,waxaana guud ahaanba Xadiga Dahabka ah ee laga soo saaray noqday 1.9KG,Waxaanay Dhakhaatiirtu sheegeen in xaaladdeed caafimaad haatan tahay mid degan,isla-markaasna ay qaadan karto Cabitaanadda Fudud..

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker