Wasiir Giriig Ah oo Turkiga Ku Eedeeyey Tahriibka Somalida Ee Yurub

Wasiirka socdaalka ee Giriiga  Notis Mitarachi  oo ay aad isku hayaan Turkiga ayaa eedayntoodu soo gashay Somalida Turkiga u timaada siyaabo kala duwan ha ahaato waxbarasho, caafimaad ama dalxiisbee. ”Wuxuu bixiyaa dal-kugalo tahriiba wuxuuna ka bixiyaa xarun waxbarsasho iyo jaamacad ku taal Muqdisho.

”Markay Turkiga soo galaan waxa la saaraa gaadhi waxana la geeyaa goob lagu hayo ilaa xeebta Turkigu firaaqo noqonayso kadibna waa lagu soo daadiyaa ayuu yidhi wasiirka soo galootiga ee Giriiga.
Wasiirka ma soo bandhigin cadeymo ah in Turkigu bixiyo dal-kugalo tahriiba, wuxuuse sheegay in nidaamkaas ay Turkiga ku yimaadan ilaa 300 oo Somali ah.

”Waxaan ognahay Somaliya in masuuliyiinta Turkiga, wasaarada waxbarashada iyo wasaaradaha kale ay dhiirigelinayaan imaanshaha Turkiga si tahriib ahaana ayuu raaciyay. Waxay dal-kugalka ku helaan waraaqo ay bixiyeen hay’adaha Turkiga ee ka dhisan Muqdisho.

Markaa Somalidu waxay ku soo galayaan Turkiga si sharciya ayagoo og inay uga soo gudbayaan Guriiga iyo Yurubta, waxaan fududeynaya Turkiga sida ay noo sheegeen Somali la qabtay ayuu yidhi wasiirka.

Waxa wasiirku intaas raaciyay in cadaymahan ay ka heleen doon degtay bishan horaanteedii oo ay ku dhinteen laba dumara, taas oo maraakiibta Turkigu u soo gurman.
Si kastaba ha ahaatee wasiirka ayaan keenin wax cadaymo waxayna u egtahay in xidhiidhka xumaadey ee labada iyo qaxootiga ku jabaya Giriiga uu qiil u raadinayo.

Turkiga ayaa sheegay in qaxootiga ku soo yaacaya Yurub ay ugu wacan tahay kadib markii Yurub ku eegtay qaxootiga Siiriyiinta iyo kuwa kale ee jooga dalkooda, kadibna ay fasaxdey xadka.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker