War-saxaafadeed ku saabsan xukunka ku dhacay boqor Buurmadow.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay canbaaraynaysaa xukunka ku dhacay Boqor Cismaan aw Muxumed Buurmadow oo maanta Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Hargeysa ku xukuntay sadex sanadood oo xadhig ah. Waxa hore Maxkamadda Gobolku ay ugu xukuntay boqorka shan sanadood oo xadhig ah.

Rafcaan uu qaatay ayay Maxkamadda Rafcaanku dhegaysatay 10 kii iyo 12kii May.

Taariikhdu markay ahayd 26th April 2018, Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo uu gudoominayo garsoore Axmed Dalmar Ismaaciil waxaay shan sanadood oo xadhig ah ku xukuntay Boqor Cismaan aw Muxumued Buur madow oo ah hogaamiye dhaqameed caan ah.

Maxkamadda rafcaanku maanta waxaay ayiday xukunkaas inkasta oo ay xadhigii ka dhigtay 3 sanadood, halkii uu markii hore ka ahaa 5 sanadood.

 Waxa lagu eedeeyey “Ceebayn Qaran (qodobka 219 ee Xeerka Ciqaabta), iyo “faafin war been abuur ah (qodobka 328), iyo af-lagaado garsoor.

Eeduhu waxaay la xidhiidhaan xaflad ka dhacday magaalada Carmo oo ka tirsan maamulka Puntland, Somalia, oo lagu caleemo saarayay hogaamiye dhaqameed. Wuxuu garsooruhu sheegay in Boqorku ka jeediyay goobtaas hadal “wiiqaya jiritaanka qaranimada Somaliland islamarkaana uu ku dhaleecaynayo ciidanka Somaliland oo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah.”

Xukunka Maxkamadda Gobolka ee rafcaaku ayiday wuxuu si cad u baal maray hanaanka dacwad qaadista caddaaladda ah. Waxa loo diiday inuu qareen yeesho inkasta oo uu marar badan codsady, iyo inuu u diyaar garoobo difaac. Waxa maxkamadda gobolku ay dhegaysatay oo keliya xeer-ilaalinta ka hor intaanay xukunka soo saarin.

 Xorriyadda hadalka waxa damaanad qaaday qodobka 32aad ee dastuurka Somaliland iyo qodobka 19aad ee Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqal Insaanka.

16ka April 2018 waxa Maxkamadda gobolka ee Hargeysa ay ku xukuntay Maxamed Kayse Maxamuud 18 bilood oo xadhig ah oo ay kaga xukuntay qoraal uu Facebook ga ku qoray.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay ka codsanaysaa dawladda Somaliland inay xorriyadooda u soo celiso Boqor Buurmadow iyo Maxamed Kayse Maxamuud.

Guleid Ahmed Jama

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka, Hargeysa Somaliland

Email: hrcsomaliland@gmail.com

Somaliland: an appeal court sentences a traditional leader to 3 years imprisonment

Today, 20th May 2018, the appeal court in Hargeisa has sentenced Boqor Osman aw Muhumed Mohamed to three years in prison, reducing 5 years jail term given by a regional court on 26th April 2018.

The appeal court heard on 10th and 12th May an appeal submitted by the traditional elder against the regional court sentence.

On 26th April 2018, Hargeisa regional court has sentenced Boqor Osman (known as Buur madow) to five years in prison. A judge at Hargeisa Regional Court heard a criminal case against Boqor Osman without the presence of his lawyer. The judge, Ahmed Dalmar Ismail, pronounced the judgment on the same day.

Today the appeal court judge upheld the conviction.

The elder was accused of “bringing the State into Contempt (article 219(2) of the Penal Code), and “circulation of false news (article 328),” according to the presiding judge. The judge also said he found Boqor Osman of “insult to a judge during a hearing (article 270).

The charges are related to a traditional event held in Armo, a town located in Puntland region of Somalia, where the elder attended an inauguration of another traditional leader. There he made a statement which “weakens the existence of the sovereignty of Somaliland and denouncing the national army who are performing their constitutional duties,” the judge said.

“The regional court conviction upheld by the appeal judge clearly violated the basics of fair trial. He was denied of lawyer, although he repeatedly asked the presiding judge that he wants to have a lawyer and time to prepare a defence. The prosecution was heard and then the verdict was made by the court.,” says Guleid Ahmed Jama, the chairperson of Human Rights Centre.

Freedom of expression is enshrined in article 32 of the Constitution of Somaliland and article 19 of the Universal Declaration of Human Rights.

On 16th April 2018, the Hargeisa regional court has sentenced Mohamed Kayse Mohamoud to 18 months in prison for Facebook post “offending the honour of the President.” Mohamed is still in prison.

Human Rights Centre calls on the government of Somaliland to release Boqor Osman aw Muhumed Mohamed and Mohamed Kayse Mohamoud.

 

Related links:

https://www.amnesty.org/en/documents/afr52/8386/2018/en/

 https://www.hrw.org/news/2018/05/08/somaliland-prosecutions-threaten-free-expression 

Contact:

Guleid Ahmed Jama

Chairperson of Human Rights Centre

Email: hrcsomaliland@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker