Kuuriyada Waqooyi oo gantaal la garan la’yahay ridday

Kuuriyada Waqooyi ayaa ridday wax lagu tilmaamay gantaal aan la aqoonin kaas oo ku dhacay badda Japan, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada isku dhafka ah ee ku sugan Kuuriyada Koonfureed.
Ilaalada xeebaha Japan oo markii ugu horreysay ka hadlay gantaalkan ayaa sheegay in uu noqon karo gantaal nooca ballistic ah balse weli lama xaqiijin arrintaas.

Ha’yadda Qaramada Midoobay waxay ka mamnuucday Kuuriyada Waqooyi tijaabinta hubka ballistic iyo hubka nukliyeerka.
Haddii arrintani la xaqiijiyo waxay noqoneysaa markii ugu horreysay ay xukuumadda Pyongyang tajaabiso hub sanadkan cusub.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker