“Dalka waa lagu soo duuley, anigoo Faysal ah Bay Yidhaahdeen Kaniisad buu Furayaa, qaar innaga mid ahbaa…” Faysal Cali Waraabe
Hargeysa (OWN)- Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo shalay gaadhay magaalada London ee dalka Ingiriiska, ayaa ka hadlay xaaladda dalka iyo xiisadaha xilligan ka taagan.
Guddoomiye Faysal waxa uu sheegay in cadowga Somaliland oo adeegsanaya muwaadiniin dalka u dhashay ay duullaan ku soo qaadeen dalka iyagoo ka xun horumarka ay shacabka iyo dowladdu gaadheen, gaar ahaan doorashooyinkii u dambeeyey ee Goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada oo uu sheegay inay guul wax-ku-ool ah u soo hoyeen Qaranimada.