Xuska Maalinta Badaha Aduunka Oo Lagu Qabtay Muqdisho
Raโiisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya , mudane; Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa Maanta ka qeyb galay munaasabadda Maalinta Badaha Aduunka ee 8-da June oo lagu qabtay Muqdisho.
Munaasabadda oo ay si wada jir ah u soo agaasimeen Sanadkan Wasaaradaha Kalluumaysiga iyo Dekadaha ee XFS, ayaa intii lagu gudo jiray waxaa bar-bar socday olole lagu nadiifinayo Xeebaha Dalka oo laga sameeyay qaybo kamid ah Xeebta Caasimadda Muqdisho.
Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo gaadiidka Badda XFS, Maryan Aways, ayaa Raโiisul Wasaare ku-xigeenka warbixin kooban ka siisay munaasabadda xuska oo lagu maamuusay qashin saarka Xeebaha.
Raโiisul Wasaare ku-xigeenka Dalka ayaa sheegay in Dadda dheer ee Soomaaliya ay qeyb ka tahay ilaha dhaqaale ee ugu wayn Dalka, ayna muhiim tahay in laga shaqeeyo hagaajinteeda, si Ummadda Soomaaliyeed ay uga helaan faaโiido ballaaran.
Mudane; Mahdi Maxamuud Guuleed (Khadar) Raโiisul wasaaraha Dalka, ayaa sheegay in Kheyraadka ku jira Badaheenna uu yahay mid ku filan Shacabka Soomaaliyeed, balse loo baahan yahay in si wacan loogu faaโiideysto.