Muse Biixi Shacbigii reer Somaliland midnimadii buu ka qaaday, Ciidamadii Qarankana tuhinkii buu ka qaaday. By Abdi Ismail Abib

Tan iyo intii xilka Madaxtinimo uu qabtay Kornayl Muuxe Biixi waxa isasoo taraysay tafaraaruqa iyo kala qaybsanaanta Shacbi waynahii reer Somaliland, taasoo uu Maamulkiisi ku fashilmay inuu la yimaado Siyaasad wax tarleh oo lagu daweeyo xanaftii ay Kulmiye beereen intii lagu jiray Olalahii Doorashadii 2017 ka qabsoontay Dalka. Waxa hore loo sii sadaliyay inaanu Muuse Biixi aqoon qaabk wax loo dhiso oo Ummad kala aragti duwan loo mideeyo isagoo sidaa cagaskeega loogu bartay Mucaaridnimo fog oo wax dumisnimo ku salaysan oo uu kala hor tagay Madaxweynashii Somaliland soo mary badankooga.

Waxa kale oo intii uu xilka la wareegay soo baxayay hagardaamooyin iyo Siyaasad xumo ka abuurtay Somaliland nabadgalyo xumo iyo kala shaki soo kala dhex galay Ummada Walalaha ahayd ee Allah ku wada abuuray gayigan Somalilnd oo in badan dheer qoomiyadaha Geeska Afrika ku nool isku tanaasul iyo xasilooni nabadeed. Waxaanu xaalad abuur iyo Dagaalo ka bilabay Gobolada Bariga isagoo weeraray Tukaraq oo ay Puntland hore u maamuli jirtay, halkasoo ay ka dhaceen Dagaalo nasiib daro ah oo aan xiligan loo bahnayn, kuna haboonayn inuu maro ama raaco Siyaaasadii ay wax ku maareen jireen Madaxweynayaashii isaga ka horeeyay ee khilaafka Gobolada Bariga , iyadoo Dad badan oo Deegaankaasi dagan ayna tageersanayn qadiyada gooni isku taaga ee Somaliland.

Ciidamada Qarank ee Somliland waxay taageero badan ka hili jireen Shacbiga reer Somliland mid niyadeed ama mid dhaqalaba, waxaynna sumcad wanaagsan ku laahayeen furumaha Dagaalka iyadoo ayna si fudud ugu soo dhici jirin cida kasoo hor jeeda. Laakin waxa hadda hoos u dhacday tageeridii loo hayay, taasina waxay dhiiri galisay inay kusoo dhiiradan Ciidan beeleedyada Puntland soo ururisay oo awal aaminsanaa inayna xabad kala hor iman karin Ciidank Somaliland. Imikana waxa suurto gal ah inay la galan dagaal dheer oo ay deegamadooda kaga soo saarayaan Ciidanka qaranka.  Waxayna ahayd korneel Muuse inuu xooga saaro suulinta xanaftii Doorashadu reebtay, Xukuumad tayo lehna uu soo dhiso oo dhibaatooyinka faraha badan ee Dalka ka jira wax ka qaban karta, taas badalkeegina waxa u fududatay inuu dhiig daadiyo, Dagaalo macno daro ahna uu Ummada Soomaliyeed ee dhibataysan dhex dhigo .

Isku soo wada duubo, Korneel Muuse waxa uu midnimadii ka qaaday  Ummadii reer Somaliland, waxaanu tuhunkii ka qaaday Ciidamadii tacabka badan lasoo galiyay ee Qaranka, mana muuqato kartidii isaga iyo Xukuumadiisuba ay wax kaga qaban lahaayeen caqabadahaas Siyaasad xumadiisu ay dhalisay.

ALLAA MAHAD LEH,

ABDI AYAANLE ISMAIL ABIB
ANTWERPEN, KINGDOM OF BELGIUM

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker