Ganacsade Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Dalka Koonfur Afrika

Wararka naga soo gaadhay dalka Koonfur Afrika ayaa ku warramaya in saacadihii la soo dhaafay muwaadin Soomaali ah oo sidoo kalena ka mid ahaa ganacsatada ku nool gudaha waddankaasi lagu toogtay gobolka Limpopo.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray, Maxamed Cali Kaariye ayaa dilkiisu waxa uu ka dhacay meel aan ka fogayn goobtiisa ganacsi oo lu taalla gobolka Limpopo ee dalkaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in nin Soomaaliga ah oo dhalinyaro ahaa in la dilay, xilli uu ku guda jiray howlihiisa shaqo maalmeed.

Qaar ka mid ah ganacsatada Soomaalida ee dalka Koonfur Afrika ayaa sidoo kale sheegay in kooxdii ka dambeysay dilkaasi ay goobta iskaga baxsadeen falka kadib.

Sidoo kale waxaa goobta gaadhay ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrika oo baadhitaano kooban ka sameeyey xaafadda uu dilku ka dhacay, balse kama hadlin dhacdadaasi.

Soomaali badan ayaa ku nool dalka Koonfur Afrika, kuwaas oo ganacsiyo kala duwan ku leh magaalooyinka waa weyn ee dalkaasi, iyaga inta badan waajahay xaalado adag.

Si kastaba muddooyinkii dambe ayaa waxaa isa soo tarayey dilka, dhaawaca iyo boobka hantiyeed ee loo geysnayo ganacsatada Soomaalida ah ee ku nool Koonfur Afrika.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker